HULK oo Danaynaya inuu Beddel u noqdo Drogba

[S]Lpost Sports – Xiddigga kooxda Porto ee ka dhisan dalka Boortaqiiska, Hulk, ayaa danaynaysa inuu beddel u noqdo Didier Drogba, isaga oo shaaca ka qaaday inuu soo dhawaynayo wada-hadal laga yeesho inuu u wareego koxda Chelsea.

Kooxdan haysata Horyaalka Yurub, waxa ay rejaynaysaa inay xiddiggan reer Brazil ku lammaanayso weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Radamel Falcao oo hadda ugu horreeya liiska ciyaartoyga ay Chelsea danaynayso inay soo iibsato.

Teodoro Fonseca, oo ah wakiilka gaar HULK, ayaa ka mid ahaa dadkii daawanayey ciyaartii Final-ka Champions League ee ka dhacday magaalada Munich, waxaanu dilaalka ciyaartoygani qiray inuu ka war-qabay rabitaanka kooxda reer London ee ciyaartoyga uu wakiilka u yahay.

HULK ayaa la filayaa inuu ka garab Ciyaaro Torres ama Falcao [Haddii ay Chelsea soo iibsato]

“Waanu u madax-bannaanayhay inaanu wada-hadal la galno Chelsea mar kasta iyo meel kasta,” ayuu yidhi Fonseca.“Aad buu u jecel yahay Horyaalka Ingiriiska, Chelsea waa koox u wanaagsan HULK,” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Xiddigan 25-jirka ah oo ka ciyaara Booska weerarka Dhexe, waxa uu xilli-ciyaareedka dhaliyey 21 gool 38 kulan oo uu ka qayb-galay.

Kooxda uu la joogo ee Porto ayaa hore u sheegtay inay ciyaartoygan u fasaxayaan naadiga ka bixiya £80million, haseyeeshee, maadaama uu ciyaartoygani xiisanaynayo inuu isagu kooxdaas tago, waxa laga yaabaa inuu qiimaha Wareegistiisu ka bilaabanto wax ku dhow £35m.

SLpost Sports Desk

Sports@somalilandpost.net