Hubka Maraykanka Oo Gacanta U Galay Alqaacida

Dagaalyahanno ka tirsan kuwo Suuriya ee uu Mareykanka tababaray ayaa qaar ka mid ah qalabkii dagaalka ee la siiyay waxa ay ku wareejiyeen jabhad xidhiidh la leh Al-Qaacida.

Waaxda difaaca Mareykanka Pentagon ayaa sheegtay in dagaalyahannada ay sidaa u sameeyeen si ay u helaan marin xasiloon oo ay ku gudbaan

Fallaagada ayaa la sheegay in wareejiyeen lix gawaarida dusha ka furan ah iyo xoogga rasaas ah, kuwaas oo u dhigma afar meelood meel qalabkii uu Mareykanka siiyay.

Waxaa la rumeysan yahay in ay ku wareejiyeen jabhadda Nusra Front ee Al-Qaacida ku xidhan, si ay gobolkaasi si nabadgelyo ah ugu maraan.

Mareykanka ayaa tababar u fidinayay fallaagooyinka la dagaallamaya ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamiga ee Suuriya. Pentagon-ka ayaa sheegay inuu baadhayo sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale, Hogaamiyaha ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah, ayaa xaqiijiyay in heshiis xabbad joojin lix bilood ah ay gaadheen fallaagada Suuriya iyo xooggaga taabacsan xukuumadda Dimishiq.

Ururka Xisbullah ayaa muddo dheer ka garab dagaallamaya ciidammada maamulka Bashar Al-Assad, si uu u sugo ammaanka soohdinta ay Suuriya la leedahay Lubnaan.

Dagaalyahanno ka tirsan fallaagada la dagaalamaysa ciidammada dowladda, ayaa ku go’ doonsan magaalada Zabadani, waxaana ay weerarro xooggan kala kulmeen ciidammada maamulka Assad.

Dhanka kale waxaa jira laba deegaan oo ay degan yihiin dad Shiico ah, kuwaasi oo iyagana weerarro joogta ah kala kulma xooggaga fallaagada.

Gobolka Idlib ayaa gebi ahaanba waxa uu gacanta u galay isbahaysiga fallaagada ee la magaca baxay Jeyshul Fatxi.

Qaramada Midoobay ayaa isku dayaysan in ay heshiis dhex dhigto dhinacyadaasi dagaallamaya.

Hogaamiyaha Xisbullah ayaa hadda sheegay in heshiis xabbad joojin ah la gaaray, isla markaana dagaalyahannada fallaagada laga daadgureyn doono magaalada Zabadani, taa bedelkeedana kumannaan rayid ah loo ogolaan doono in ay ka baxaan labada deegaan ee ay fallaagadu ku hareereysan tahay.

Heshiiska xabbad joojinta ayaa waxaa lagaga baaqsaday dhiig ku daadan lahaa labada aag ee ka tirsan furimaha dagaalka Suuriya.

Labada dhinac ee iska soo horjeeda ayaa sidoo kale dareemaya in ay gaareen guul ay ku qabsadeen dhul horleh