Hubaal wuxuu haraad tirey Bahda Qoraaga Somaliland ee u heelan in ay qoraal wax kusaxaan – W/Q: Cabdiraxmaan Bulshaawi

BULSHAAWIAma waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay oo madasha lama tago, waxaa kaloo layidhi ninka maqan oo la tabaa waa ninka jooga ceebtii, intii uu wargeyska madax banaan ee HUBAAL ku jirey xadhigii xaqdarada iyo jujuubka ahaa ee lagula kacay waa la tabay,

Sida aan ognahay inteena xiisaysa warbahinta waxaan la soconaa in warbaahinteenu xooga uun saarto arimaha siyaasada,wakhti badan, bogagbadana siiso Laakiin ay ku yaryihiin qeybo kale oo dadka badhkii xiisayso oo ku saabsan arimaha bulshada, Tusaale kooban bahda xiisaysa qoraalka in ay wax kusoo bandhigaan waxay u baahanyihiin meel xorra oo ay ku soo baahiyaan qoraaladaasi, isla markaana inta la bahda ahina waa u tusaale fiican oo ay kaga dayan karaan qoraaladooda qaabeysan , ee qormeysan.

Hubaal waa wargeys soo bandhiga soona baahiya qoraalada kasoo maaxday maskax fariida furfuran kana fayaw oo ka xorra tololka iyo cidkale ku tiiranaanta kuwaas oo isugu jira kuwo cilmiya, taariikha, suugaana,falanqeynta waayaha aduun, oo u ah baraarujin iyo toosin bahda jecel inta aan soo sheegnay, waa qoraalo inta ehelka u ah wax akhriska soo jiita Quluubtooda u ooman bandhiga farshaxaneed ee qalinka loo adeegsado,

Gabagabada qoraalkeyga kooban hadii aan idiin carbaabo inta hormoodka u ah qalinka iyo qoraalka toolmoon oo aan hubo waa hubaalee inbadan oo Akhriska iyo Qoraalka xiisaysaa jecelyihiin, una qalma in aad ku dayato waa haddii aad jeceshahay hawshan,

1. Ibrahin hawd, oo aan odhan karo qoraalkiisu waa ka ugu qaradaweyn una qoran si qoto dheer,wuxuu soo bandhigaa taariikho iyo dhacdooyin aan ku koobnayn dalkeena oo kaliya wuxuu koobsadaa daafada duninda, Waana qoraa hore uqarey buugaag

2. Cabdilahi Cawad Cige , waa nin aan ka dhicin Hawd wuxuu inta badan soo bandhigaa qoraalo ku qotoma waayaha bulshada iyo mooganaanta kuwa maamula, waxay ku magac dheeryihiin IshaQarsoon. Waana qoraa hore uqarey buugaag

3. C/raxmaan Y ducaale (Boobe)waa ehelka bahda jecel Akhriska Qoraalka

4 .Maxamed Bile ,waa aqoonyahan si tallo kujirta usoo qora maqaaladiisa,

Inta halkan kuxusan iyo inkaloo badanba Wargeyska Hubaal wuxuu qoraalkooda bulshada ugu soo bandhigaa si hagar la’aana , maan hilmaamin warbaahinta kale dalka oo iyaguba dhinacooda ayay kaga jiraan halganka iyo hawsha qoraalka , hubaal’se aan u qirno hagar la’aan dheeriya.

C/Raxmaan Cali-Nur (Bulshawi)

Bulshawi82@Hotmail.Com