1. In lacag loo ururiyo Waddada Ceerigaabo oo qudha! Waa la ii celiyay mushahar aan ugu tabarucay waddooyinka Maroodi-jeex… Ogaada, hadda waxa jidka Sanaag la iiga jaray qaadhaan aanan talo iyo rayi midna ku lahayn.
Nin ka hadlayay waddooyinka dalka ayaa waxa uu yidhi
Dagaariyo hadday noo sunteen, awr daboole ahe
ASARDIYO Dilaa lagaa dhaxlaa, deriska liibaane
Hadba kii dubaaq nool qarnigan, waan ku dayannaaye
Daawiyo Sanaag waan lahayn, diir walaalnimo’e
Dubku wuu u naxayaa jidkay, darayo haysaaye
Sallaxley dariiqoo qabyo ah, DAWCAD bacadaysan
Oodweyne damalkii wadwaday, diiray wadartiiye
Diric iyo laf-dhabar Hawd u kacay, duufsay oo lumiye
Dawarada haddaan loo sinnayn, waa daciifnimo’e
Duwashada Dhakool iyo Fadhigu, waa dan iyo xeele
Kalabaydhba maan diiddanayn, diif-tir waajiba’e
Dinnaahaagan meel qudhi walaal, daw umay heline
Dib-qallooc cartamayaa tacsuu, kuu daldalayaaye
Dawan Mey wax loo duufsadaan, dooddu garanayne
2.Waxa la bilaabay in la sameeyo Gole Guul-wadeyaal ah oo la rabo in lagu sheego Ururka Macallimiinta. Sidee ayuu nin maamule ahi xil uga qaban karaa madal u gaar ah bareyaasha?
Waxa aan leeyahay
Ninka hugunta dhagarta ah
Ku hawaawiyaayow
Hako oo hurdada gam’a
Hilbo aanad liqi karin
Hungureyn ha deydeyin
Hadhacaaga ku ekaw
3. Ragga haysta shahaadada heerka jaamaceed ah sida degree/master waxa laga dhigaa adeegayaal u shaqeeya rag aan dhammaysan dugsi sare iyo kuwo aan weligoodna tacliin sare loo xarriiqin.
Anigoo digrii iyo
Dibloomooyin haystaa
Rag aan derejo A helin
La ii laba dibleeyaa!
Ma dawbaa walaalow
Dhaaxaan dulqaatee
Haddaan doorkan maanta ah
La ii duubin maamuus
Inaan doobbiyaal qubo
Deyrta waydun aragtay!
4.Haddii ay ahayd in qabyaaladda la aaso, side ayay Wasaaradda Waxbarashadu ugu dhaqmi kartaa nidaam ah 4.5? Miyaanay ceeb ku ahayn masuuliyadda ay u xilsaaran yihiin. Waan ka koray in aan kursi, kadab iyo kooto ku raadiyo ardaa iyo jufo. Haddii aan xil qaran la ii dhiibin, fadlan waxba kuma doonayo inaan reer Hebel ahay..
Miyaanu Cabdillaahi Suldaan Timacadde odhan
Dugsi maleh qaybyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Macallin Gaarriye waxa laga hayaa
Uf qabiil anigaa leh
Wuxuunbaa ehel ii ah
Dad ninkaan af-aqaanno
Si wax iila arkaaya
Na mideysa ujeeddo!
5.Wasaaraddu ha kala deyso ergada ay ii soo dirayso marka aan ka hadlo saxaafadda iyo askarta la igu ballaminayo aniga oo u socda hawl-qaran.
Marka aan saxaafado
Sadarkayga sheegaa
Siciid mee la leeyahay,
Subaxaan hubkii dhigo
Sarkaal Muusahaa iyo
Mukhtaar seefo loo dhiib
Sidee xaalku tolow yahay?
6.Muddo sannad ah oo aan rabay in la ii sharciyeeyo dugsi gaar ah oo aan furtay, waa la ii diiday “waanu soo eegaynaa, berri kaalay, lacag keen, aan hubinno” waxaas ayaa la igu maaweeliyay, anna waxa aan go’aansaday in aanan dib ugu noqon xafiisyada lug-gooyada ee Wasaaradda aan ka tirsanahay.
7. Rag la ogyahay in ilaalada imtixaanka looga saaray eex ay ka galeen ardayda dugsiga sare 2006dii, ayaa halkii laga eryi lahaa laga dhigayaa madaxa goob imtixaan! Ma waxa la isku dallacsiiyaa laaluushka, beenta, guul-wadeyntan IKK.
8.Waxa la qabtay shir lagaga hadlayo Manhajka Somaliland sida aan saxaafadda ku arkay, ragga joogayna waa kuwa qoray manhajka fadhiidka iyo macmalka ah.
Gaarriye waxa uu yidhi
Nin dawee la leeyahay
Denbi uu badh leeyahay
Xalka doon la leeyahay
Isaguu u daran yoo
Inu daaro ma oggola
Daarraanta mililka leh
Anna deyso ma oggoli
Deebaaqda igu mudan
9.Kuraasida qaar waxa aad mooddaa dhaxaltooyo, tolow miyaanay dalka u dhalan dhallinyaro lagu aamino xilalka qaranka. Waxa talax-gabay siddeetan jir, haddana waxa beddelay toddobaatan jir, maxaa soo kordhay?
10. Weligay Wasaaradda Waxbarashada uma doonan ilaalo, imtixaan la saxo IKK, Alleylehe malaha sannad ayay ii garteen oo waan ka mashquulay. Imakana kama rabo xil, xoolo, xaq iyo xabbad qalin ah. Marka ay Ramadaan baxdo ayaa bur iyo biyo loo kala baxayaa haddii Guulle idmo..
11. Haddii aan dalka u tudhi jiray intii aan ardayga iyo adeegaha bulsho ahaa, maanta waxa aannu doonayaa in ay curato koox heegan ah oo la yidhaahdo NEW UFO. Eebbe ha nagu guuleeyo halgan la mid ah kii ay galeen macallimiintii iyo ardaydii Somaliland 20kii Feberweri 1982kii ee dhagax-tuurka oo maanta ku suntan halyeyo abaalkoodu noqday in maalintaas loo asteeyo ayaanta dhallinyarada Somaliland.
Wuxuu yidhi Hadraawi
Belooy maanta dabadeed
Adaan daacad kuu ahay!
Nin ku diirsadaan ahay
Maalintay u daran tahay!
LA SOCO…………………………….