Horyaalka Kubadda Cagta Kooxaha Caasimadda Oo Wakhtigii Qorshuhu Ahaa Qabsoomidiisa Dib Looga Riixay

Hargeysa, (SLpost)- Shir jaraa’id oo ay shalay wada-jir ugu qabteen xarunta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha, xidhiidhka kubadda cagta iyo kooxaha kubadda cagta heerka koowaad ee caasimadda, ayaa la iskula meel dhigay wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomayo horyaalka kubadda cagta kooxaha caasimadda Hargeysa.Horyaalkii-Naadiyada-Caasimada-Hargeysa-oo-Dib-Loo-Dhigay-1-650x360

Masuuliyiintan is af-garadku dhex maray oo kala ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil oo ka socday wasaaradda ciyaaraha, Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal) guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta, Sacad Maxamed Shire xoghayaha xidhiidhka iyo guddoomiyeyaasha kooxaha kubadda cagta heerka koowaad ayaa isku raacay in dib loo dhigo horyaalkii kooxaha caasimadda oo qorshuhu ahaa in badhtamaha bishan May la qabto, ka dib markii ay yimaadeen duruufo looga maarmi waayay in dib loo dhigo.

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Cabdilaahi Kheyre Gacal iyo xoghayaha xidhiidhka ayaa iyagu si isku mid ah u tilmaamay duruufaha kallifay inuu dib u dhaco horyaalka kooxaha heerka koowaad, waxaana guddoomiye Gacal uu ku sababeeyay “Halkan waxaanu ka cadaynaynaa sababihii dib u dhigay tartankan, taas oo aan ahayn dhinaca xunee ah dhinaca wanaagsan, ka dib markii aanu arragnay carqalado badan ayaanu waxa aanu garanay inaanu dib u dhigno horyaalka, ta koowaad waxaa fooda inoo soo galay maalinta qaranka ee 18-ka May, hal garoon bay caasimadu leedahay oo ah Hargeisa Stadium isagana waad ogtihiino dayactir weyn ayaa ka socday, Ramadaantii ayaa iyaduna inagu soo dhaw, ciyaaraha gobollada iyagana waxaa la doonaya bisha August in la bilaabo, arrimahaas oo dhan inta laga duulayo ayaa kooxaha, xidhiidhka iyo wasaaraddu waxay isla garteen in horyaalka kooxaha heerka koowaad ee caasimada in la qabto 20-ka bisha September” ayuu yidhi. Agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux ayaa isaguna soo dhaweeyay wakhtiga ay isla af-garteen in la qabto tartanka horyaalka kooxaha kubadda cagta heerka koowaad ee caasimadda Hargeysa.

Ugu dambeyntii Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay is af-garadka laga gaadhay qabsoomida horyaalka kooxaha kubadda cagta heerka koowaad ee caasimadda Hargeysa, waxaa kale oo uu Agaasime Dhabeeye uu farriin culus oo digniin ah u diray urur uu ku sheegay inuu iskii iskugu magacaabay Somaliland Football Association, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Arrinta la isku raacay ee qabsoomida horyaalka waan ku faraxsanahay ka wasaarad ahaana waanu soo dhaweynaynaa oo idinkaa taas si fiican uga hadlay, laakiin waxaan rabaa inaan halkan mahad-naq iyo taageero uga muujino dhallinyarta qurbo-jooga ah ee ka qeyb-galaya tartanka caalamiga ah ee ka dhacay UK, Ciyaaraha ka dhacay wadanka UK ee Somaliland kooxdeedu ay ka qeyb-galayso ee la yidhaahdo African Nations Cup of UK waxaa ka qeyb-galaya dhallinyaro si rasmiya ugu ciyaaraysa magaca Somaliland, xidhiidhka kubadda cagtu uu kalsooni buuxda uu siiyay wasaarad ahaana aanu taageersanahay dadkii hawshaas ka soo shaqeeyay ee gacan weyn ka gaystay ee Jaamac Olol iyo Maxamed Rashiid iyo kooxdoodaa waanu u mahad-celinaynaa tartankaa ay ka qeyb-galayaan iyo wixii kale ee ay qabanayaanba.

“Waxaa kale oo ay ka qeyb-galayaan isna tartan labaad oo ka dhacay wadanka Sweden oo 22-ka ilaa 25-ka May socon doona. Waxaa iyagana aan uga digaynaa urur isku magacaabay Somaliland Football Association oo aanaan wasaarad ahaan iyo xidhiidh ahaanba aanaan aqoonsanayn, waxaanan farayaa inay faraha ka qaadaan hawsha ay wadaan dhallinyarada iyo wakiilka wasaarada ee qaarada Yurub Jaamac Olol maadaama aanu iyaga u wakiilanay wixii ciyaaraha ku saabsan” ayuu hadalkiisi ku soo koobay Agaasime Maxamed Dhabeeye.

Somalilandpost.net