“Horumarkii Madaaradu Wuu Iftiimayaa ee Wasiir Waxa Kuu Dhiman…” Mowliid Aadan Cumar

Mowliid Aadan CumarWasiirka Duulista iyo hawada ee Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Waxa uu ku guulaystay horumarinta iyo casriyaynta madaarada Hargeisa iyo Berbera oo uu ka sameeyay dib u dhis balaadhan oo ah waxqabad muuqda oo qof waliba qiraayo oo aan la qarin karin oo uu Wasiirku ku guulaystay mudadii uu Hayay xilka Wasaarada Duulista iyo Hawada Wasiir waad iftiimisay Horumarka Madaarada Hargeisa iyo Berbera ee waxa kuu dhiman mudane wasiir labadan qodob

1. Qodobka Koowaad :- waxa guud ahaanba ka dhiman qorshaha siyaasada shaqo ee wasaarada duulista somaliland intay jirtayba wali lama samayn xarun waxbarasho ama college ay ka soo baxaan duuliyayaashii qaranka somaliland sidaasi awgeed waxaan kugu dhiirigalinayaa inaad noqoto wasiirkii ugu horeeyay ee dalka ka hirgaliya jaamacad lagu barto aqoonta hawada iyo duuliyayaasha diyaaradaha somaliland.
2. Qodobka Labaad:- Waa dhismaha iyo tababarka shaqaalaha wasaarada duulista markaa Mudane Wasiir waxa Wasaarad ahaan idinku waajib ah inaad tababar guud siisan shaqaalaha si ay u helaan aqoon maamul iyo farsamo labadaba, Dhinaca kale waxa wasiir kugu waajib ah in aanad dayacin dadka khibrada maamul u leh wasaarada duulista waana in laga dhigaa macalimiinta iyo khibrad gudbiyayaasha shaqaalaha wasaarada Hadii ALLAH Yidhaa

WABILAAHI TOWFIIQ

  1. Mowliid Aadan Cumar
    Hargeisa
    0634410898. mawliid1991@gmail.com