Horumarinta Gobolka Gabiley iyo kaalinta uga bannaan Qurba-Joogga – W/Q: Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi (Golaha Degaanka Gabiley)

Dhammaan Akhristayaasha Sharafta leh waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka.

Maqaalkaygan gaaban waxaan jeclaan lahaa inaan si kooban ugaga hadlo kaalinta ay Qurba-Joogu ku leeyihiin guud ahaanba horumarinta dalka hooyo, waxaanan si gaar ah ugu falanqayn doonaa kaalinta kaga aaddan ee uga bannaan Qurba-Jooga ka soo jeeda Gobolka Gabiley horumarinta Gobolka.

NimcoWaxaan aaminsanahay in Dareen Garasho oo Togan iyo Damiir wadaninnimo uu Bulshada u diro inay horumar ku tallaabsadaan. Sideedaba, Ummaddii horumarka jeceli waa kuwii isku boorriya ee isku baraarujiya inay horumariyaan Bulshadooda, Degaanka, Degmada, Gobolka iyo Dalka ay u dhasheen. Qof ahaan waxaan qirayaa in guud ahaanba Qurba-Joogga reer Somaliland ay kaalin muuqata oo laxaad leh ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalkeena. Ha noqoto lacagaha tooska ah ee ay Qurba-Jooggu bil walba soo diraan, ha noqoto dib u dhiska guryihii dumay ama kuwo cusub oo ay dhisaan, goobaha ganacsiga, Huteellada waaweyn, Warshadaha, Jaamacadaha iyo goobaha kale ee waxbarashada iyo waxyaabo kale oo badan. Isku soo wada duuboo doorka Qurba-Jooggu ku leeyihiin horumarinta Dalka iyo Dadkaba waa mid aan la iska indho-tiri karin, waxana lagama maarmaan inay halkaa ka sii wadaan kaalinta ay ku leeyihiin Horumarinta Dalka.

Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay gobollada ugu hodansan JSL marka dhan kasta la eego. Ha noqoto tiro dad iyo aqoon, duunyada xoolaha, dalagga beeraha ama khayraadka dabiiciga ahba. Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay gobollada ugu dakhliga badan ee Qaranka JSL u soo xereeya cashuuraha ugu badan ee hawlaha qaranka lagu maamulo.  Dhinaca kale, Gobolka Gabiley waxa ku yaalla Irridda Ganacsiga ee Geeska Afrika ugu muhiimsan (Tog Wajaale), taasoo ah laf-dhabarta ganacsiga u kala gudba JSL iyo dalweynaha Itoobiya.

Haddii aan u soo noqdo nuxurka maqaalkaygan oo ku saabsan kaalinta uga bannaan Qurba-Joogga Gobolka Gabiley sidii ay uga hawl-gali lahaayeen ama uga qayb-qaadan lahaayeen Horumarinta Gobolka Gabiley; maanta dalkeena Jam. Somaliland, waxa muuqata in Qurba-Jooggu yihiin kuwa la isku dhaafay ee ay isku dhaafeen Horumarka ka socda Gobollada JSL. Gobolkii ay Qurba-Jooggiisu si dhab ah ugu hawlgaleen ee ay si wadajir ah ugu guntadeen horumarkiisa, wuu ka horreeyaa dhinac walba Gobolkii ay Qurba-Jooggiisu hagradeen.

Sidaan isleeyahay, Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay Gobollada JSL ee ay Qurba-Jooggiisu ugu tirada iyo aqoontaba badan yihiin Qurbaha. Qurba-Jooga ka soo jeeda Gobolka Gabiley waxay u badan yihiin dad iyagoo aqoon leh oo da’ yar Qurbaha u dhoofay. Anigu Xildhibaan ahaan waxaan is leeyahay, malaha Qurba-Joogga u dhashay Gobolka Gabiley sidii la rabay ugamay qayb-qaadan, ugumay hawlgalin amaba ugumay  guntannin (intii itaalkooda ah) inay wax ka qabtaan baahiyaha baaxadda leh ee ka jira Gobolka Gabiley.

Haddaba, markaan eego tirada iyo tayada aqooneed ee ay leeyihiin Qurba-Joogga ka soo jeeda Gobolka Gabiley ee ku nool dacallada dunida iyo sida aanay uga qayb qaadan ama aanay xil isaga saarin Horumarinta Bulshada Gobolkooga, waxaa ii muuqata oo aan dareemayaa inay jirto dhalliil iyo hagrasho weyn oo dhankooda ah. Waxa xusid mudan oo aan doonayaa inaan hoosta kariiqo in Haweenka Qurba-Joogga ah ee ka soo jeeda Gobolka Gabiley ay yihiin kuwa kaliya ee intii itaalkooda ah ka qayb qaata taageerada iyo horumarinta bulshada Gobolka. Kuwa aan muuqooda iyo magacoodaba la haynin ama aan ka muuqanin kaalintii kaga aadanayd Gobolka waa Ragga Qurba-Joogga ah ee u dhashay Gobolka Gabiley.

Dabcan, way jiraan Ururro Samafal iyo Shakhsiyaad ka soo jeeda Qurba-Joogga Gobolka Gabiley oo iyagu mar walba xil iska saara sidii ay uga qayb qaaadan lahaayeen horumarinta Bulshada ku nool Gobolka. Waxaan halkan ku xusayaa oo aan tusaale wanaagsan u soo qaadanayaa Ururka Samafalka ee Gardo, Ururka Haweenka Gob. Gabiley ee Khayriya, Ururka Walaalaha Arabsiyo iyo Ururka Haweenka Nomad. Waxa kale oo iyadna jirta oo ii muuqata oo aan dareemayaa in Qurba-Joogga u dhashay Gobolka Gabiley ayna haba yaraatee wax maal-gashi ah ku samaynin Gobolka, sida goobo ganacsi, huteello, warshado iyo meherado kale oo Bulshada Gobolka u abuuri lahaa fursado xagga shaqada ah.

Waxaan is leeyahay malaha haddii ay Qurba-Joogga Gobolka Gabiley dareemaan oo ay gartaan  xilka iyo waajibaadka ka saaran Gobolka iyo Bulshadooda, oo ay la yimaadaan dareen iyo cudud midaysan; waxay Gobolka ku soo kordhin karaan waxyaabo badan oo lagama maarmaan u ah Horumarinta Bulshada Gobolka Gabiley. Tusaale ahaan:

a)    Qurba-Jooggu waxay keeni karaan taageero dhaqaale oo midaysan taasoo lagu horumarinayo Adeegyada Asaasiga ah ee Bulshada Gobolka Gabiley, sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Wax-soosaarka Beeraha, Adeega Biyaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iwm.

b)    Qurba-Jooggu waxay soo kordhin karaan aragti, fikir iyo xirfado cusub oo lagu dabbaqi karo horumarinta Gobolka Gabiley, maadaama ay soo arkeen dalal kale oo ay ka soo heleen waayo-aragnimo iyo khibrado durugsan.

c)    Qurba-Jooggu waxay ku noolaayeen ama ay weli ku noolyihiin oo ay la soo dhaqmeen umado iyo dawlado horumaray, waxayna fahmayaan sida Horumarinta Bulshada loo maamulo iyo sida Dawladda wax looga helo.

d)    Qurba-Jooggu waxay fursad u heli karaan inay la xidhiidhaan hay’adaha iyo ururrada Bulshada caawiya ee ka dhisan magaalooyinka ama dalalka ay ku noolyihiin taasoo ay uga faa’iideyn karaan horumarinta Gobolka Gabiley.

Waxaan maqaalkaygan ku soo af-meerayaa hadallo guubaabo ah oo toos ugu socda Qurba-Joogga u dhashay Gobolka Gabiley, Rag iyo Haweenba, waxaanan walaalayaal idin  leeyahay: Karti baa la isku dhaafee kaalintiinnii baa bannaan; Ifkaa wax laysu taraaye Aakhiro wax la isuma aha!  Qurba-Joogga Gobolka Gabilayow, Adduunyaduna Hir weeyee, Heerkee baad ka joogtaan?? Yaad ka sugaysaan inay Bulshada Gobolkiina Horumariyaan !!??

 

Wa Billaahi Tawfiiq,  < Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi >< Golaha Degaanka Gabiley>