Horta Yaa Mujaahid Ah? – W/Q: Fouad Abdisalam

Salaamu laahi Caleykum

Fu'aad CabdisalaanMalaha Kaligey kuma ihiye Waxa is weydiiyey misena aan ku dawakhey micnaha iyo qeexitaanka dhabta ah ee uu huwan yahey qof loola baxey ama isugu isku bixiyey mujaahid, Ereyga mujaahid waa erey af carabi ah oo ka soo dhanbalmey ereyga kale ee JIHAAD, oo ah marka luqad ahaan loo qeexayo lagu qeexo in lala dagaalamo cadowga ilaahey iyo ka umadda muslimiinta ah , ama in la xoreeyo taago dhulka islaamka ka mid ah oo cadowga allah heysto ama in wax kasta ood awoodo ugu gargaarto ood ku dagaal gash af iyo adinba cida markaas dagaal kula jirta cadowga allah culimadu markey soo koobeen waxey ku fasixeen jihad i9n uu yahey ka dar ilaahey loo galey.

Jihaadka allah soo dajiyey wuu kala duwan yahey oo uu leeyahey maraatiib kala sareysa, waxaa uu caalimka ibnu qayim tilmaamey in Jihaadku afar nooc yahey oo kala ah , Jihaadka Nafta , Jihaadka sheydaanka , Jihaadka Gaalada iyo jihaadka Munaafiqiinta.

Hadaba inagoo ka duuleyna macnaha iyo jihaadka dhabta ah ee allah quraankiisa iyo xadiista rasuulkiisa Maxamed (N.N.K.H.) Inoo sheegey waxaa inooga soo dhex baxeysa micnaha saxda ah ee uu leeyahey qofka jihaadey ee loogu wan qalayo magaca mujaahid kaas oo macnihiisu noqonayo in qofku u dagaalamo diinta allah sidii ay u sareyn laheyd taas oo ay hoos imaneyso nolosha wanaagsan iyo akhlaaqiyaadka diinteenu ku dhisan tahey. Qofka mujaahidka ahina haduu uu isagoo ku sugan jihaadka allah uu dartiis ugu dhinto waxaa uu abaal marin u helayaa shahiidnimo oo ah shey qaali ah ilaahey cida uu siiyaana ay liibaantey fadli iyo xasanaad badana u sugnaatey daarta danbe ee aakhiro.

Ereyga shahiid waxaa luqad ahaan lagu macneeyaa in ay tahey in qofku wax goob joog u ahaado, se marka loo eegayo tan dagaalka qofka shahidey waxaa laydhaa qofka u dhintey dar ilaahey isagoo u dagaalamaya, isagoo ka dooneynin mansab iyo magac aduunyo se u heelinaya diinta allah kuna taagan sifaha iyo akhlaaqda jihaadku leeyahey.

Somali ahaan waxaan bulshadeena ku dhex faaftey ama aad in badan maqleysaa qof loogu magac dhabey Mujaahid hebel oo loo nisbeynayo dagaal uu cid isaga cadow ah ama beeshiisa cadow ah uu la galey, taas oo kharibtey macnihii dhabta ahaana  lumiseyna qiimaha cida mujaahidka ah iyo cida lala jihaadayaba, waxeyna ina dhaxal siisey in meel lagaga dhaco qiimaha uu jihaadka allah leeyahey, iyo sharafta mujaahidku huwan yahey.

Dagaalo kala duwan oo dalal badan oo muslimiin ah maanta ka socda ayaa salka ku haya arrimo siyaasadeed iyo fidno ayaa loo isticmaalaa in ay yihiin qaar jihad ah iyagoo aaney meelna ka soo galin sifaha jihaadka sharciga ah ee allah jideeyey iyadoo umad badan oo shacab iyo maati ah lagu gumaado inta dagaalameysana ay mujaahidiin isku magac dhabaan kooga ka dhintana shahiid hebel u bixiyaan. Somali ahaan laga soo bilaabo qaskii iyo qalaasihii guud ahaan somalida hadheeyey intii ka danbeysey burburkii dowladii somaliya iyo intii waliba lagu jirey kacdoonkii dowladaas lagu ridey waxaa caan baxey in loo nisbeeyo dagaalo badan oo dhacey in ay ahaayeen jihaad wallow dadka dagaalameyey labada dhinacba ay umad muslimiin ah oo ashahaadaneysa ahaayeen , waxaa marag ma doon ah dulmi iyo tacadi badan oo dhacey oo somalidu dhexdeeda iska geysatey hadana dooda jihaadka iyo mujaahidiinta waxey u baahantahey in loo nisbeeyo axkaamta sharciga iyo diinteena suuban sidey u sifeysey. Wallahu Aclam .

 

Wabilahi Tawfiiq

Fouad Abdisalam Hassan Haji

Qalbi005@gmail.com