Horn Cable TV oo xalay si toos ah u soo tabinayay xafladii London iyo Tv-ga qaranka oo ku fashilmay

Telefishanka Horn Cable TV, ayaa xalay si too s ah u soo tabinayay xafladii balaadhnayd ee weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay kula yeesheen magaaladda London Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK.
Xafladaasi oo bilaabantay 10:41 habeenimo ee saacadda Afrikadda Bari waxay socotay illaa 12:55 habeenimo. Waxaanay ahayd madal si weyn loo soo agaasimay oo ay bulshadda ku dhaqan goboladda Somaliland oo dhami si weyn uga daawanayeen Telefishanka madaxa-banaan ee Horn-cable TV oo dedaal weyn oo wadaniyadeed u galay soo gudbinta tooska ah ee xafladaasi.
Xidhidhiyihii Barnaajkaasi ayaa ku cel celinayay in xafladan toos ay u tabinayaan Telefishanadda Horn-cable TV iyo SLNTV, hase yeeshee TV-ga qaranku waxba kama uu sii dayn xafladaasi waxaanay hawl-wadeenadda TV-ga ee sugan magaaladda London ay ku guul-daraysteen inay gutaan waajibka qaran ee ka saarnaa soo tabinta xafladaasi oo qiime weyn ugu fadhiday qaranka iyo bulshadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha dalka.
“Waa nasiib darro in TV-ga qaranku aanu baahin xafladii balaadhnayd ee Jaaliyadda Somaliland u samaysay weftigii Madaxweynaha halka TV-ga madaxa-banaan ee Horn cable TV uu soo daaayay bilow ilaa dhamaad jawigii ay u qabsoontay xafladaasi,”ayuu yidhi Ismaaciil Nuur oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Hargeysa oo ka mid ahaa dadkii sida tooska ah uga daawanayay xafladaasi Horn Cable.
Ismaaciil oo hadalkiiisa sii watay wuxuu yidhi “Waan ku hungoobay dhawr jeer oo aan eegay TV-ga qaranka, haba yaraatee waxba kamay sii daynin kulankaasi taariikhiga ah.”
“TV-ga Horn Cable waxay xalay muujiyeen inay si fudud iskugu xidhi karaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibad-ba,”ayay tidhi Farxiya Xuseen Cabdi oo ka mid ah dadkii xalay u saamaleylay inay guryahooda ku daawadaan xafladii xalay.
Waxa kale oo rayul caamka bulshaddu ay xalay ilaa saaka goobaha barkulanka bulshadda ay ku faaqidayeen sida labada TV ay ugu kala tageen tabinta warkaasi, waxaana dadweynuhu ay sheegeen inay u sad-kordhinayaan Horn-cable oo ay sheegeen inuu xalay u qalmay in lagu maamuuso bilad qaran.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxa dadweynaha reer Hargeysa ay xalay hambalyo iyo bogaadi u dirayaan haw-wadeenadda Teleshinka Horn cable iyo maamulkooda, waxaana Wasaaradda warfaafinta la gudboon inay dib u eegto hawl-wadeenadda TV-ga qaranka ee UK oo ay wax ka bedesho qaabka habacsanaanta ay u shaqeeyaan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com