Horjooge Isku Hayn Kariwayey 80 Xildhibaan Malagu Aamini Karaa Hogaanka Dalka.‏

CIRROC/raxmaan Maxamed C/laahi  oo loo yaqaan ciro waxaa uu waxbarashada Dugsiga sare kaga baxay Iskuulka Shiiikh, waxaana markii danbe ka mid ahaa Basaasiintii Xamar ee wakhtigaasi u shaqaynaysay Dawladii arxanka darnayd ee Siiyaad bare, waxaan amuu markii danbe u gubaday dhankaa iyo ruushka oo uu noqday danjirihii dawladaa u fadhiyey ruushka.

Taariikhda uu leeyahay Cabdiraxmaan Ciro madawgaa tahay  ajar iyo abaal aanu midna dalkan usoo gelin halkankii qadhaadhaa ee dhiiga iyo dhuuxa loosoo shubay aanu maalin gelinkeed u hurin ayuu hadana doonayaa inuu manta ina yidhaahdo maalintii aad dagaalamayseena  basaasbaan ahaa  halgana hadalkiisa daa maantana cod baan idinka donayaa waliba mid madaxweyne kaas miyaan ka aqbalaa waa maya.

Miyaan ka yeelnaa cirro inuu aflagaadeeyo oo caayo Madaxweyne siilaanyo oo ahaa  ninkii isagoo ah wasiir ka door biday inuu duurka galo isagoo ka xumaaday una adkaysan waayey dhibkii iyo tacadigii lagu hayey dadkiisa, 10sanadood kusoo jiray sidii uu markale dib ugu soo celin lahaa qaranimadii luntay isagooo ka duulaayey inay jiilka danbe helaan nolol wacan iyo xoriyad,

Mudane ciro  waxaa uu ahaa toban sanadood gudoomiyaha baarlamanka oo ka kooban 80-xildhibaan waxaa uu maamuli kari la,ayahay 80-kaa mudane ee xeerku dhaqaayo oo ku sameeyaa nin jeclaysi iyo qabyaalad  ka gole baarlamaan horjoogi kari waayey  ma madaxtinimuu qaban karanayaa ?   “ Somalidu kay maqasha kala quusatay geela u dirataa”  dhankastoo la eego ciro malaha astaamaha hogaamineed qarana ma hogaamin karo ninkii diidayaaba ha diidii, dee ninkii ku doonaya qabiilow adeer qabiil waa laga baxay qaranka qabiil ma qaban karo.

Shalay markii lagu dilaayey caruurta la duqaynaayey dumarkana la kufsanaayey, SNM dhalandoolka bacadka iyo gudoodiga ugu jireen badbaadada iyo daafacaada dalka isagu sariirbuu ku jiifay ruushka  oo dalka halkaasuu kazoo daawanaayey  niyadiisana kumay jirin SNM baa wax xoraynaysa,  markii dalka lasoo dhisaayey ee dawlada la abuuraayey  sidaas ayuu barkimo  ugu jiifay.

Ciro haduu abaal leeyahay  Faysal Cali Waraabe oo ahaa shikhsigii ku tabcay ee aqoon  iyo waxkasta soo baray ee dhoofiyey  umuu abaalka dareen oo xisbigiisii kumuu qabsadeen  oo maxkamad laguu galeen, Waxaan leenahay Ciro Taariikh xumo mooyee waxkale kuuma hayno  Hogaanka Dalkana uma qalantid Gudoomiyaha Baarlamaankana waa lagugula  khaldamay.

 

By: Ugbaad Jalaqsan

ubaadjalaqsan@gmail.com

Oslo/Norway