“Horena waa loo kordhin jiray, xukuumaddana waa loo kordhinayaa” Gudd. Guurtida

Hargeysa, (SLP)- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aaden ayaa sheegay in sidii xukuumaddihii hore loogu kordhin jiray tanna loogu kordhin doono.Saleebaan

Guddoomiyaha oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, isagoo kasoo guryo noqday dalka Ingiriiska oo warbaahinta kula hadlayay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa, isla markaana warbaahintu wax ka waydiisay dibu dhaca doorashada ee ay komishanku dhawaan shaaciyeen ayaa sheegay inaanay weli guurtidu gaadhin muddada la kordhinayo, welina aanay samayn la tashi. “Horena waa loo kordhin jiray, maanta guddidii doorashooyinku waxay tidhi waqtigeedii kuma qaban karno, waa la kordhin doonaa, dawlad la’aani jiri mayso, waxaana loo kordhin doonaa sidii sharcigu ahaa, laakiin maanta idin odhan maayo muddadaasaa la kordhinayaa horta aanu hawshayada qabsano.” ayuu yidhi guddoommiyuhu.

Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlayay xaaladda dalka ayaa yidhi. “Xaalad uu dalku marayo oo xumina ma jirto, dalku wax dhibaato oo uu qabaa ma jirto, rag baa qaylinaya. Guurtida haddii warqadii gaadhay go’aan may gaadhin, cidna lamay tashan waxaanay noqon doontaa sidii khayr leh.”

Somalilandpost.net