HOOYO RAQABADDA SHAADHKAAGU HA CADAATO .

 

Anoo sii baxaya, ayaan ku idhi HOOYO, 5000 sl sh isii oo aan shaah ku cabo, maadaama oo aanan haysan wax lacag ah, way isiisay oo dhankaa iyo suuqii ayaan u kacay, anoo 5000 sl sh is leh koob shaaha + baalash + keeg yar oo isku noqonaya qiimo ahaan 5000 sl sh ah niyada gashaday maadaama oo aan gaajoonayay, ayuu si kadisa iga soo hor baxay, nin waayaha iyo wakhtigu qabtay oo aanu bari saxiib ahayn, wuxuu i waydiisatay aduun wixii aan hayo, se waxaan u sheegay inaan sito wax aduuna 5000 sl sh, intii ayaanan siiyay, halkii maqaaxidii ayaan iska fadhiistay anoon waxba haysan,waliba ku faraxsan inaan siiyay qof wax i waydiisay wixii aan awoodayay,dibaan ugu noqday xaafadii si aan waxoogaa yar oo kale hooyo uga soo qaato, waxay igu tidhi hooyo, sawnigii imika 5000 sl sh ku siiyay, waxan ku idhi, wiil aanu sxp nahay ayaan siiyay oo i waydiistay oo aan ogayn jeebkayga wax ku jira, hooyo horta 10, 000 sl sh ayay dib ii soo siisay mar labaad, isla bartii anoo maraya ayaa intiina la iga qaaday, anoo yaaban oo xanaaqsan ayaan maqaaxidii iska fadhiistay kursi kalidii yaala meel banaan,anoo isla bartii fadhiya ayay dhalinyaro ii timid ay dalbadeen shaah, ka dib waxay sii raaciyeen Cabdifatah ayaa bixin doona, anoo tii hore la yaaban ayay tana igu dhacday,( ANOO SHAAH LAÁANTAN IGU HABSATAY LA YABAN, AYAY DAYNA II RAACIYEEN ) adigu ninkii u farsamo sheegay oo DAYN la igu qor, hada ogow ana ma shaahayne, hooyo ayaan maalintii danbe uga sheekeeyay qisooyinkii isa saarnaa ee igu dhacay , iyadoo aad ugu faraxsan in la i yara tuhmay oo ugu yaraan qofaf wax i waydiisteen ayay igu tidhi ” HOOYO TUHUNKAA SADDA, QOFKA LA TUHMO AYAA DADKA UGU NASIIB BADAN “, Waxayna ii sii raacisay ” WALIGAA RAQABADDA SHAADHKAAGU HA CADAATO, XITAA HADAANAD HAYSAN 500 SL SH OO AAD KABAHA KU BAALASHAYSATO “, intii ayaanan guntaday, Markii iigu danbaysay markaan Baska fuulayo ,10,000 sl sh ayaan jeebadda ku qaadan jiray, si aan u caawiyo ama uga bixiyo qofkii aan awoodi karin 1500 sl sh ama wax ka dhiman yihiin, 500 sl sh oo aad qof u baahan siiyo ayaa ka qiimo badan, Boqolaal kun oo dollar oo aad bari ugu balan qaado.

Aqoon aan hooyaday ka bartay oo iga dhinayd se aanan jaamacad ku dhigan.

Abdifatah Nouh Jaamac ( Suldaan )