‘Hooyo, Maxaa Lagu Diley?’ ‘Hooyo, Garaad La’aawayaal aan Ugaraabeyn Maatidooda ayaa Laayey’

Xamse SuldanBulsho ayaa badhaadhe iyo reyn reyn nololeed gasha marka ay isu naxariistaan,

Indhawaale waxaa kusoo badanaayey geyiga Somalidu degto, dilalka qorsheysan iyo kuwo badheedhka ah ee lagula kacaayo maati aan waxba galabsan, iyadda oo aad moodo inaynu nahay bulsho aad unasiib darran oo aan unaxeyn, dadkeeda jilicsan, waagii baryaba waxaad maqleysaa warar dhiilo iyo murugo xambaarsan, oo sheegaaya hebel waa ladiley, heblaayo waa lakufsadey, waa laqarxiyey, policekaa toogtey, iwm.

Kasoo biloow Somalida Kenya degta waad arkaysaa dhibta haysata xeryaha qaxoontiga, hantidoodii ayaa ladhacayaa waa laleynayaa, waad arkaysaa Somalia waxaa kataagen in hilbihii caruurta, haweenka, dhalinyarta, iyo waayeelku daadsanyihiin wadooyinka, Culimadii waa laleynayaa, shacabkii policka ayaa laynaaya, maatida ayaa ah dadka ugu nugul bulshadda halkii ay ahayd in garab lasiiyo waxaa bedaalkoodii  uu noqdey in dhiiga dhegta loo darro, lafaro xumeeyo, maalkoodii la dhaco, mayse ahayn inay dhibtan mutaystaan, dhamaanteen walaalo ayaynu nahay Dhiig, Af, Midab, iyo Dhaqanba wadaaga ineynu gacmaha is qabsano, horumarkana kawadda shaqeyno, birma geydada gacan-siino ayaa inala gudboon,

Xamse Suldaan Aadan Faarax

Hargeisa

00252 2 4427272

Xamsesuldan@gmail.com