“Hooyadu Markay Uurka Qaado Ilaa Umusheeda Haddaanay Umuliso Barbarkeeda Taagnayn Waa Astaamaha Horumar La’aanta”

Hargeysa, (SLpost)- Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa maanta ka qayb gashay xuska maalinta umulisooyinka adduunka oo ku beegan bisha May 5-teeda.

Munaasibadda xuskan oo ay soo qaban-qaabiyeeen ururka umulisooyinka iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee Somaliland waxa ka qaybgalay xubno ka tirsan umulisooyinka iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka oo kala yimi gobollada dalka.aamina

Marwada madaxweynaha Somaliland ayaa bogaadisay ururka umulisooyinka, waxaanay ku hambalyaysay shaqada ay qaranka u hayaa. “Hambalyo qalbigayga kasoo go’day baan u dirayaa umulisooyinka Somaliland meel kasta oo ay joogaan.” ayay tidhi Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, waxaanu intaas ku dartay, iyadoo hadalkeeda sii wadata. “Umulisooyinka Somaliland halka ay joogaan maanta iyo halka ay soo gaadheen waa wax cad 2007-dii waxaynu lahayn 159 umuliso oo kuwa aqoonta jaamacadeed lihi ay ku yaraayeen oo u badnaa umuliso dhaqameed, maanta waxaynu leenahay in ku dhaw lix boqol oo umulisooyin ah oo heer jaamacadeed ah. Umulisadu waa bani’aadamnimadu halkay ka bilaabanto hooyadu markay uurka qaado ilaa ay umulayso haddaan la daryeelin oo aanay umuliso barbarkeeda taagnayn waxa weeye dal aan horumarin dalkaasi. Inagu maanta waxaynu joognaa fahamka aynu fahannay ee aynu qorsheyaasheena gashanay haddaynu dawladda nahay iyo hadday ururrada caafimaadka sida ururka umulisooyinkaba yihiin sidaynu carruurta iyo hooyoouyinka u badbaadin lahayn, marka uu ilmuhu caloosha galo ilaa inta uu dhalanayo.”

Waxa kale oo munaasibaddaas ka hadlay wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Xasan Dhimbiil, guddoomiyaha ururka umulisooyinka Faadumo Cabdi Kaahin iyo agaasimaha fulinta ee ururkaas Foosiya Maxamed Ismaaciil, waxaanay dhamaantood ka warbixiyay doorka ay umulisadu bulshada ugu jirto iyo sida ay uga qayb qaataan badbaadinta carruurta iyo hooyadaba.

Somalilandpost.net