Hong Kong Oo Ka Mudaharaadaysa Qorayaal Dhaliili Jiray Shiinaha Oo La Waayay

Hargeysa(SLpost)-Kumannaan qof ayaa waxa ay dibadbax ku qabsadeen magaalada Hong Kong, si ay u muujiyaan carradooda ku aaddan shantii qof ee buugaagta gadi jirtay ee la waayay, kuwaasi oo loo malaynayo in lagu hayo gudaha waddanka Shiinaha.

160110100618_cn_hongkong_bookstore_rally_02_624x351_reuters_nocredit

Dhammaan shanta nin ayaa waxaa lala xiriiriyay meel lagu daabaco buugaagta oo ku taal Hong Kong oo lagu gado buugaag ay ku qoran yihiin waxyaabo lagu naqdinayo dowladda Shiinaha.

Saddex ayaa lagu waayay gudaha Shiinaha, midna gudaha Thailand halka midka shanaadna meel uu jaan iyo cirib dhigay la waayay mar uu booqanayay bakhaar ku yaal Hong Kong.

Dibadbaxayaasha oo isugu soo aruuray xafiiska Beijing ee Hong Kong, ayaa ka cabsi qaba in Shiinuhu uu isku dayayo in uu wiiqo xorriyada gaarka ah ee deegaankooda, taasi oo la damaanad qaaday markii ay Britain ku wareejinaysay Shiinaha.