Hoggaanka Xisbiga UDUB oo aragtiyo is-khilaafsan ku fasiray Midho-dhalka Shirka Golahooda Dhexe ee Maanta Bilaabtay

Hargeysa, (SLpost)- Waxa baryahanba khilaaf xooggani ka dhex muuqday gudaha Xisbiga UDUB gaar ahaan masuuliyiinta ugu sarreeya ee Xisbigaas, oo ay ku jiraan raggii xilalka ka hayey dawladdii talada lagaga guulaystay, kuwaas oo is-maan dhaafkoodu keenay kala duwanaansho aragtiyeed oo ku aaddan Majaraha iyo kalsoonida siyaasadeed ee Xisbiga.
Isaga oo khilaafkaasi jiro, waxa maanta magaalada Hargeysa ka furmay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB oo ay ka soo qayb galeen ergay ka kala socotay gobollada Dalka. Shirkan oo sida la sheegay dib loogu habaynayey golaha Dhexe ee Xisbiga isla markaana lagu hawl-galinayey guddiga fulinta ee Xisbigaas.

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB mr. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa qabsoomidda shirka ku tilmaamay mid lagu dhammaystirayey xubnaha Golaha Dhexe isla markaana lagu diyaarinayo xubnaha xisbiga uga qayb-gali doona doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Dalka.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Shirkan maanta bilaabmay waa sannad-guuradii Xisbiga iyo Golaha Dhexe, waxaana ugu horreyey in la dhammaystiro xubnihii golaha Dhexe wixii dhintay iyo wixii ka tagayba, taasina way dhammaatay. Go’aamada kale ee aanu maanta isla qaadanay waxa ka mid ah Guddiga Fulinta oo loo igmaday inay kaabaan xeerarkii Xisbiga, waayo waxaanu doonaynaa inuu xisbigu yeesho Guddoomiye, Murashax madaxweyne iyo murashaxiintii ka qayb-gali lahaa Doorashooyinka kale.”

Shirkan oo ay masuuliyiin badan ka hadlayeen ayay ka soo baxayaan dareenno ku aaddan shaqada iyo hawlaha ay qabanayaan Xubnaha Golaha Dhexe ee maanta la meel mariyey, taas oo dadka qaarkood ku tilmaameen ku-celinta tallaabo dil-dilaac hore uga dhex abuurtay oo Xisbiga UDUB oo masuuliyiintii ugu miisaanka weynaa ay saaka ka maqnaayeen kalfadhiga u furmay Golaha Dhexe.

Muj. Cali Guray, Afhayeenka Xisbiga UDUB, oo sababaynaya faa’idada kaldhiga Golaha Dhexe u leeyahay Xisbiga iyo bahweyntiisa ayaa yidhi, “Golaha Dhexe Dhiig-joojin ayuunbuu noqonayaa. Hadduu halkaa ku joogsado, barnaamijka dib-u-habaynta UDUB maaha mid Gole Dhexe ku dhammaanaya, waana hawl faro badan.” Cali Guray waxa uu carabka ku dhuftay in Golaha Dhexe iyo doorashadiisu maanta ku koobnayd isla markaana shirka laga soo saari doono Guddi fulineed oo loo baahan yahay in Golaha Dhexe Anisixiyaan. Haseyeeshee, waxa uu sheegay inaanu garanayn halka ay ka soo baxayaan iyo Cidda Ansixinaysa Guddiga Fulinta ah oo tilmaamay haddii aanay maanta ansixin Golaha Dhexe, “Anigu ma garanayo cid ansixinaysa Guddiga Fulinta haddii aanay Golaha Dhexe ee maanta la dhammeeyey ansixin,” ayuu yidhi Cali Guray.

Dhanka kale, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlaya hawsha ay qaabilsanaanayaan Gudiga la dooranayo ayaa yidhi, “Golahan Dhexe waxa uu igmanayaa guddiga Fulinta oo ka hawl-galaya kaabidda xeerka. Xeerkana waxa loo kaabayaa Guddoomiyihii Xisbiga iyo Murashaxiintii baa la kala qaadayaa. Midda kale, waxa la soo hormarinayaa shirweynaha Xisbiga oo laga ansixinayo Murashaxiinta.”

Hoggaanka Xisbiga UDUB oo wali gacanta ugu jira xubnihii ka tirsanaa xukuumaddii talada dalka lagaga guulaystay ayaan ilaa haatan aanu caddayn mustaqbalka Xisbiga iyo halka ay geyaysiin doonaan maadaama shacbigu ka codeeyeen.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo difaacaya dhaliisha kor saaran Xisbiga iyo rakaabkiisa ayaa ku dooday in wasiirradii UDUB ay ka tayo wanaagsan yihiin ragga kale ee dhiggooda ah, isaga oo arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Kolley waxa laga hadlayaa waa wasiirro, wasiiradii UDUB-na waxaan u arkayaa inay yihiin ragga dalkan ugu Tunka weyn. Markaa waxaan ugu arkaa in la xaasidayo.” Isaga oo ka hadlaya inay soo bandhigayaan wejiyo umadda iyo saaxadda siyaasadda ku cusub waxa uu yidhi, “Kolley imika waxa Golaha Dhexe iyo Fulintaba soo galay dad ‘New Blood’ ah, annaga oo weliba xoogga saarayna haweenka iyo dhalinyarada.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net