Hoggaanka Xisbiga UCID oo tacsi tiiraanyo leh u Diray Ehellada, Qaraabada iyo Golaha Wakiillada ee uu ka baxay Xildhibaan Axmed-Weyne

tacsiGuddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga, Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID waxay tacsi u dirayaan geerida naxdinta leh eek u timidXILDHIBAAN AXMED IBRAAHIM DAAHIR (AXMED WEYNE) oo ku geeriyooday Magaaladan Hargeisa

Waxaanu Eebo uga baryaynaa inuu Marxuumka ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalanadna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, gaar ahaan Qoyskii, Ehliyadii Qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

Aamiin…………………………….Aamiin ……………………………..Aamiin

Agaasimaha Guud ee Xarunta dhexe Xisbiga UCID
Dr jaamac Axmed Saalax