Hoggaanka Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE oo ka Warramay Muhiimadda Xuska maalinta 27 May

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta ka warbixiyay afar iyo labaatan guurada ka soo wareegtay hawl-galkii gudo galka xoogaggii SNM ay ku sameeyeen Magaalada Burco 27kii bishii May 1988-kii oo ku beegan maalinta Berri.

Maxamed Kaahin waxa uu dheeraaday sababihii gun dhiga u ahaa inay si miidaamo ah ku soo galaan Magaalada Burco,waxaanu xusay in arinta ugu weyn ee keentay dagaalkaas guda galku uu la xidhiidhay kadib markii ay heshiis wada gaadheen Talisyadii Mingiste Xayle Miriam ee itoobiya iyo Siyaad Bare kaas oo nuxurkiisu ahaa sida uu tilmaamay in labada dawladood kala joojiyaan jabhadaha ay isku soo hubaynayaan iyo in qoloba dhinaceeda xadka ka durugto masaafo 10km ah.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa Saraakiishii hogaaminayay Xoogagii Xaq u dirirka SNM ee Gudaha u galay Magaalada Burco waxa uu sharaxay in dagaalkaasi uu fure u ahaa guushii halgankaas oo sababtay in xoriyada aynu maanta ku naaloonayno ay dhalato,Waxa uu Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye sheegay in taariikhda Somaliland ay baal dahab ah kaga jiraan Maalmihii Guda galka Magaalooyinka iyadoo magaalada Hargaysana ay ururkii SNM Soo galeen 31kii isla bisha May 1988-kii .

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye waxa uu shacbiga Somaliland ku baraarujiyay sidii loo adkayn lahaa Qaranimada iyo Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland oo ku timid inay u geeriyoodaan nafo badan oo qiimo ku lahaa bulshadeena isla markaana aynu ku weynay hanti aan Qiyaas lahayn.

SLpost News/Hargeysa