Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sanaag oo Beelaha Sanaag Bari oo ugu Baaqay inay Nabad Gelyada Iyo Xasilonida Dalka Ilaaliyaan

Ceerigaabo (SLpost)- Masuuliyiinta Xisbiga kulmiye ee gobolka Sanaag ayaa shir jaraaid oo ay maanta ku qabteen magalada Ceerigaabo ugu baaqay labadii ardaa ee shaqaaqada dilka ahi ku dhexmartay tuulada Balli-Busle ee Bariga Sanaag inay nabadda ilaaliyaan oo wada hadal iyo jewi  walaltinimo ku baadi goobaan gacan-ku-dhiig-laayaashi falkaas geystay

Waxa kaloo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ku nuux-nuuxsadeen ahmiyada nabada iyo sida bulshada reer Sanaag ugu caana-maashay xalinta khilaafadka soo dhex gala.

Gudomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka Sanaag Maxamed Cawed Faarax oo ugu horaynba shirkaa jaraaid ka hadlay ayaa Xusay in bulshada reer Sanaag ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo gobolka dhibaato ka dhex hurinaysa si looga hor tago buu yidhi fidmo soo gaadha cid aan Waxba galabsan

Guddoomiyaha Kulmiye ee Sanaag

Guddoomiyuhu Waxa uu labada ardaa ee dhibtu dhexmartayna u soo jeediyey inay ka fogaadaan wax kasta amaanka deegankaasi wax u dhimi kara isagoo ardaaga gacanta dilka geysatayna ugu baaqay inay soo qabtaan gacan kuu dhiiglayaashi falkaasi ku kacay.

Musharax Jamac Jibriil

Jamac jibriil jaamac oo ka mid murashaxiinta xisbiga Kulmiye, ayaa isaguna dhinciisa tilmaamay  dedaalada nabadda ku wajahan ee looga baahan yahay madaxda maamulka gobolka, madaxda dhaqanka, Culima-udiinka, aqoonyahanka iyo bulshada deegaankaasiba si loo soo afjaro  shaqaaqada deegaankaasi ka aloolsan.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye ee Sanaag

Saynab Maxamed Cabdale oo ku hadlaysay afka garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye, ayaa iyaduna ku dheeraatay doorka haweenku ka qaataan arrimaha nabadgelyada iyo xallinta khilaafaadka gobolka waxaanay haweenka deegaanka Bariga Sanaag ku boorisay inay meel uga soo wada jeestaan adkaynta nabad gelyada.

Somalilandpost.net

Ceerigaabo/Office