UDUB oo Guddoomiyeyaashiisa Gobollada dalka ku amray inay Soo Xulaan Murashaxiinta uga Qayb galaya Doorashada Deegaanka

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ayaa shaaciyey go’aan ay ku wargeliyeen Guddoomiyeyaasha gobollada inay soo xulaan isla markaana diiwaan geliyaan murashaxiinta xisbigaasi uga qeyb geli doona tartanka doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dabayaaqada Sannadkan la filayo inay dalka ka qabsoonto.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Ku-simaha Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Cabdixaliim Maxamed Muuse, ayaa lagu faray Guddoomiyeyaasha gobollada dalka inay diiwaan geliyaan murashaxiinta doorashada deegaanka ee doonaya inay ka qayb galaan Doorashada Deegaanka .

Qoraalkaas kooban ee ku-simaha Xog-hayuhu soo saaray ayaa u dhignaa sidan:

“Waxa lagu wargelinaynaa dhammaan Musharixiinta Golaha Degaanka ee Xisbiga UDUB ciddii aan wali is diiwaangelin inay si deg-deg ah ula xidhiidhaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Gobolada JSL.  Waxa Guddoomiyeyaasha Goboladana sidii hore loogu wargeliyay inay dhammaystiraan xubnaha musharixiinta G/Degaaanka looga baahanyahay Degmooyinka Gobolada muddada ka horreysa shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ku qabsoomi doona Magaalada Hargeysa 25-ka August, 2012.”

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland