Hoggaanka UCID oo Tacsi u diray Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland

tacsiHargeysa (SLpost)- Hoggaanka Sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa tacsi u diray Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan oo ay ka tacsiyadeeyeen Geerida ku timi Adeerkii Alle ha u naxariistee Marxuum Cige Axmed Cabdi oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, Berrina lagu aasi doono magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Hoggaanka Sare ee Xisbiga UCID oo isugu jira Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe, Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Guddida Fulinta, Golaha Dhexe, waxa ay ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxa ka tacsiyadeeyeen Alle ha u naxariistee Marxuum Cige Axmed Cabdi (Cige Mataan) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta, waxaanay si gaar ah uga tacsiyadeeyeen Murashaxa madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo marxuumku adeerkii ahaa.

Sidoo kale, waxa uu Xisbiga UCID tacsi taas la mid ah u diray Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax oo marxuumku Soddoggii ahaa, waxaanay Marxuumku Eebbe uga baryeen naxariistii Janno ka waraaabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuumka oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa maalinta Berri ah lagu Aasi Doonaa magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal.

SOMALILANDPOST.NET