Hoggaanka SONYO oo Taariikhda markii ugu horeysay loo doortay Dhalinyaro ka soo kala-jeedda Gobollada Awdal iyo Sool

HARGEYSA (SLpost)- Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa markii ugu horraysay taariikhda SONYO waxa Hogaan cusub loogu doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku Xigeen ka soo kala jeeda Gobolada Awdal iyo Sool, kulan ballaadhan oo maanta ka dhacay Hoolka cusub ee shirarka xarunta Dhexe ee Dalladda SONYO.

SONYO (2)Shirweynaha 7aad ee Dalladda heer Qaran ee SONYO oo muddo laba maalmood ah ka socday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa ka qayb galay aqlabiyadda ururRada ay ka kooban tahay dalladda SONYO iyada oo ay madasha doorashada ka maqnaayeen xubno yar, waxaana madasha doorashada goob-joog ahaa Guddoomiyihii iyo Ku-Xigeenkii hore ee SONYO iyo badiba xubnaha Golaha Lixaad ee xilkoodu dhammaaday.

Aqlabiyadda Ergooyinkii Madasha Hoolka Shirarka SONYO isugu yimid waxa ay ugu horrayn doorteen shir-guddoon ka kooban saddex xubnood kuwaasi oo hawsha shirweynaha kala wareegay Xubnihii Guddidda qaban-qaabada oo uu Guddoomiye u ahaa Faysal Muxumed Madar (Qumuj), waxaanay shir-guddoonka shirku sidaa kula wareegeen habsami u socodkii hawsha shirka.

SONYO (1)Ugu Horrayn waxa madasha Doorashada Hoggaanka cusub ee SONYO hadalo dardaaran ah ka soo jeediyey Guddoomiyaha dalladda SONYO ee wakhtigiisu dhammaaday Mubaarik Ismaaciil Taani oo xubnaha ergooyinka gobolada Somaliland isaga kala yimid dhammaantood kula dardaarmay in ay si caddaalad ah u codeeyaan wax walba ka hor mariyaan masiirka dalladda SONYO 13-sanadood kadib oo u baahan in la sii dardar galiyo ee aan u baahnayn in carqalad lagu sameeyo maadaama SONYO tahay madashii iyo Milgihii umadda.

“Waxaan maanta halkan u fadhinaa oo aan ka sheegaynaa in shirweynihii SONYO ee 7aad gabagabadiisii aan doonayno in aan halkan ku doorano hogaanka labada sanadood ee soo socda. Sharaf weyn ayay ii tahay in aqlabiyaddii dhammaan Gobolada Somaliland ay halkan fadhiyaan. Markii aan eegay Dastuurka SONYO sida uu dhigayo iyo ergooyinka aqlabiyadoodii in ay halkan fadhido waxaan sugayaa sharcinimada hoggaanka doorashada halkan aan u fadhino. Dadaaladii SONYO soo gashay iyo wixii horumar ahaa ayaa sharaf noo ah waxaanan hogaanka cusub kula dardaarmayaa in ay halkaa ka sii qaadaan oo dhallinyarada u shaqeeyaan. Annaga ka gole ahaan waxa nagu waajiba in aanu wareejino xilkii iyo taladii aan idiin haynay kuna wareejin doono masuuliyiinta aad soo doorataan”.

Intaa kadib waxa la guda galay in ay ergooyinka madasha fadhiyey doortaan 19-xubnood oo noqon doonta Hoggaanka sare ee dalladda SONYO ee Toddobaad, kuwaas oo hoggaanmin doona daladda labada sanadood ee soo socda, iyada oo markii ugu horraysay Gobolka SOOL loo kordhiyey xubnaha ay ku lahaan jireen Golaha sare oo dhammaa 2 xubnood doorkana laga dhigay 3 xubnood. Markii shirweynuhu u codeeyey 19 xubnood ee Golaha sare ee SONYO waxa doorasho aanay cidi isla soo sharrixin halkaasi cod aqlabiyad ah Guddoomiye loogu doortay Mudane Siyaad Cumar Cali oo ka soo jeeda Ururrada dhallinyarada Gobolka Awdal kaasi oo noqonaya Guddoomiyihii ugu horreeyey ee soo mara SONYO ee ka soo jeeda Gobolka Awdal. Intaa kadib xubnaha la doortay ee Golaha sare, sida dastuurka SONYO dhigayo, waxa ay iyagu iska dhex doorteen Guddoomiye ku xigeen kaasi oo doorasho aan cidi kula tartamin uu ku guulaystay Mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka mid ah Ururada dhallinyarada ee Gobolka Sool gaar ahaan caasimadda Laascaanood, taasi oo noqotay taariikh kadib markii ugu horraysay 13-sanadood oo SONYO jirtay in markii ugu horraysay guddoomiye iyo ku xigeen ka soo kala jeeda Gobolada Awdal iyo Sool ay hoggaanka u qabtaan dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO.

SONYO (3)Guddoomiyaha cusub ee SONYO loo doortay Siyaad Cumar Cali oo madasha ka hadlay, ayaa u mahadnaqay ergooyinka kalsoonida siiyey isaga oo sheegay in uu dadaalkiisa isugu gayn doono sidii uu SONYO halka ay taagan tahay uga sii qaadi lahaa. “Sharaf weyn ayay ii tahay in aad codkiina i siiseen. Taariikh weyn ayaad samayseen iyada oo markii ugu horraysay aad doorateen xubno ka soo jeeda darafyada Somaliland tani waxa ay muujinaysaa wax wada lahaanshaheena. Waxa ay na siinaysaa kalsooni aan dhallinyarada ugu adeegno. Xubnaha kooban ee innaga maqnaaday waxaan ku dadaali doonaa in aan keeno SONYO. Dalladdani waa mid tisqaaday oo aan marnaba looga baqanayn in ay xagal daacdo. Waa ballan in aan xubnaha yar ee innaga maqan si sharaf leh kalsooniddooda u heli doono maadaama intii badnaydba na siiyeen,” ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali.

Xasan Siciid oo ka mid ahaa golihii SONYO ee hore ahna xubin ka mid ah aasaasayaasha dalladda SONYO, ayaa madasha keenay saddexdii xubnood ee kali ahaa ee ka maqnaa Golaha sare kuwaasi oo ka soo jeeda Ururrada Hargeysa. Xasan Siciid waxa uu sheegay in isaga oo imtixaan xarunta CSI kaga jira uu maqlay in shirkii sidan u dhacayo maadaama aqlabiyaddii sifo sharci ah isku raacday in badana uu xog ogaal u ahaa SONYO uu soo dhammeeyey xubno saddex ah oo Hargeysa ka dhinaa ahna xubnihii maqnaa kuwaasi oo sidaa ku buuxiyey dhammaanba tiradii Golaha sare ee SONYO.

Intaa kadib, Guddoomiyaha xilka ka tagaya Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani oo hadalo dardaaran iyo hogo tusaalayn ah madasha doorashada ka jeediyey, ayaa hogaanka cusub kula dardaarmay in ay dedaalkooda isugu geeyaan sidii ay dalladda halka ay taagan tahay uga sii qaadi lahaayeen isaga oo u duceeyey in ilaahay ku asturo xilkaa ballaadhan ee ay u qaadeen dalka iyo dadkoodaba.

Sida dastuurka dalladda SONYO dhigayo, muddo 30 maalmood ah kadib ayuu Guddoomiyaha cusub Md. Siyaad xilka kala wareegi doonaa Guddoomiyaha hore Mubaarik Ismaaciil Taani.