Hoggaanka SOLJA oo cambaareeyey qaabka ay Warbaahintu qaarkood u tabiyeeny Warar Buka

Hargeysa, (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa maanta baaq nabadeed u diray umada walaalaha ah eek u nool gobolada Gebilay iyo Awdal isla markaana ku booriyay in qaybaha warbaahintu ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee sii hurin kara xaalada deegaankaas ka taagan .
Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta ee Solja oo shir jaraa’id ku qabtay huteelka Shiraaqle ee Caasimada Hargaysa ayaa ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee ururka Solja Maxamed Rashiid isagoo tacsi u diray intii ku geeriyootay falkii naxariis darada ahaa eek a dhacay Deegaanka Saameel oo uu ku tilmaamay mid ka hor imanaya xuquuqda aadamaha, hab dhaqanka nolosheena iyo Xayn daabka amni ee ay Somaliland haysato, xoghayaha guud ee ururka Solja waxa uu tilmaamay doorka laga rabo inay warbaahintu ka qaadato xal u helida mashaqadii ka dhacday deegaanka Saameel ee ay ku geeriyoodeen 3 qof oo muwaadiniiin ah oo aan waxba galabsan isagoo intaas ku daray in la gaadhay xiligii warbaahinta lagula xisaabtami lahaa qaabka ay uga hadlaan dhacdadan iyo kuwa la mid ka ah ee khalkhalka gelinaya xasiloonida wadanka.
Nimco Samriye oo ka mid ah xubnaha gudida fulinta ee ururka suxufiyiinta Solja ayaa sheegtay in qaybaha warbaahintu ay xil iska saaraan wax kasta oo saamayn ku yeelanaya jiritaanka qaranimada Somaliland waxaanay canbaaraysay falkaas gabood falka ah ee lagula kacay dad aan waxba galabsan oo Baradoodii iska hurda.
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xasan Maxamed Yuusuf oo gabo gabadii kulankaasi ka hadlay ayaa ku guubaabiyay bah’da warbaahintu inay ka dhawrsoonaadaan kicinta shacbiga iyo wixii iska hor keenaya isla markaana ay ilaaliyaan anshaxa iyo Milgaha suuban ee saxaafada lagu yaqaan.
Gudoomiyaha ururka Solja waxa uu carabka ku dhuftay inaan loo dulqaadan doonin afcaasha guracan ee ay ku oof wareemayaan dadaalada nabad raadinta si loo soo afjaro mashaqadii ka dhacday deegaanka Seemaal waxaanu ku dhiirigeliyay sidii ay xukuumada ugala shaqayn lahaayeen xalinta qadiyadan.
Xasan Maxamed Yuusuf wuxuu ugu baaqay dawlada iyo hay’adaheeda amnigu sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dhagar qabayaashii falkaas gaystay si loo hor keeno cadaalada.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net