Hoggaanka iyo xubno ka tirsan Ururuka Dhalinyarada JIIDALI oo ciidamada Ammaanku caawa Xabsiga u taxaabeen

Hargeysa (SLpost)- Ciidammada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa Xabsiga u taxaabay Xubbno ka tirsan Ururka lagu magacaabo Jiidali oo ah Urur dhallinyaro oo arrimaha siyaasadda dalka ka hadla, ka dib markii ay Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa kaga qeybgaleen Munaasibad lagaga hadlayay Xadhigga Guddoomiyihii Ururka JIIDALI Cabdiraxmaan Xasan Aadan oo maalmihii u danbeeyey isaguna ku xidhan isla Hargeysa.

Maxamed-Cabdikariin-JiidaliXubnahana Jiidali laga xidhay ayaa ah saddex Xubnood, kuwaasoo kala ah Afhayeenkii Ururka Jiidali Faysal Cumar Madar (Qumuj), Xoghayaha Ururkaas Maxamed Cabdikariin Cumar iyo Cabdi Beddel, illaa hadda si rasmi ah Boolisku umay sheegin sababta xadhigga xubnahan ay ugu kaceen iyo ujeeddada xadhiggooda toona.

Munaasibadda xubnahan ay Ciidammada Ammaanku ka qabteen, ayaa ahayd mid ay Ururka Jiidali ku muujinayeen heerka taageero ee Ururku ku leeyahay Hargeysa iyo sida ay Xubnaha Ururku uga xun yihiin Xadhigga Guddoomiyihii Ururkaas oo dhawaan ay Ciidammada Ammaanku ku xidheen magaalada Hargeysa.

Inkasta oo ay Ciidammada Ammaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa markii ay Xubnahan xidhayeen Munaasibadda ay joogeen socotay, haddana buuqa iyo muujinta ka xumaan-shaha dadka goobta joogay ka sokow, Ciidanku wax saamayn ah kumay yeelan Xafladdaas, isla markaana may joojin ee halkeedii ayay ka sii socotay markii ay Xubnahaas ay xidheen ka dhex-qabteen.

Lama oga sababta rasmiga ah ee xadhigga saddexdan xubnood, hase-yeeshee, sida ay wararka qaar sheegayaan Xubnaha Ururkan ku midaysan, ayaa aad u dhalliila Siyaasadda Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, iyagoo naqdiyada dhalliileheeda, waana sababta loo malaynayo inay sal u tahay xadhigga Xubnahan iyo Xubnaha ka horreeyey-ba.

Xigasho: Aftahan News