Hoggaanka Hawl-gelinta Ciidamada Booliska oo La magacaabay

Hargeysa, 04 April, 2012 (SLpost)- Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Caawa Sarkaal Cusub u magacaabay Hoggaanka Hawl-gelinta Booliska oo uu isagu hore u hayey xilkan ka hor intii aanu todobaadkan madaxweyne Siilaanyo u magacaabin xilka Taliyaha Guud.

Taliyaha Guud ee Boolisha, Maxamed Iimaan Fadal, waxa uu hoggaanka hawl-gelinta ciidamada Bileyska u magacaabay Maxamuud Ducaale Cali oo hore u ahaa Taliyihii Qaybta Booliska Bariga Caasimada.

Sarkaalkan uu Taliyuhu u magacaabay Xilkan uu hayey maalmo ka hor ayaa lagu wadaa inuu si dhakhso ah ula wareegi doono xilka cusub ee loo magacaabay, sida lagu sheegay Qoraal kooban oo uu Taliyaha Boolisku caawa soo saaray.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net