Hoggaamiyeyaasha Dalalka Dunida oo Maanta Shir uga Furmay Xarunta QM ee New York

New York (SLpost)- Xarunta Guud ee Qaramada Midoobay ee ku taala Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa maanta shir uga furmay madaxda Caalamka, iyagoo ka wada hadlaya arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay rabshadaha iyo dagaalada ka aloosan Suuriya, Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo Filimkii lagu aflagaadeeyeeyay Nebi Muxamed NNKH.

Shirkan oo socon doona ilaa bisha October 1-deeda ayaa lagu dhagaysan doonaa Khudbado ay soo jeediyaan Madaxda Adduunka. Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa ka hadlay Madashii Shirkaas ayaa u jeediyay madaxdii shirkan ka qayb gashay isla markaana uu nuxurkoodu ku qotomo,in aan marnaba loo ogolaan dalka Iiraan inay hesho hubka Nukliyeerka ah ,waxaanu soo jeediyay in Guud ahaan Caalamku nabad ku wada noolaado.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Dalka Suuriya Faysal Al Miqdaadi ayaa maanta warbaahinta caalamka u sheegay in wefti balaadhan oo ka socda Xukuumada Suuriya ay ka qayb galayaan shirka madaxda caalamka uga furmay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, iyaga oo sida sida uu sheegay dhanbaal iyo Xasilooni ka hirgasha Suuriya taas oo ay ku baaqi doonaan.

Wasiir ku xigeenkani waxa uu eedeeyay Wadamada Turkiga,iyo Qadar kuwaas oo uu sheegay inay taageero dhinac kasta ah u fidiyaan argagixiso uu xusay inay dalkiisa ku soo dushay.

SomalilandPost.net