Hoggaamiye Xirsi oo ka dhawaajiyey Go’aan burinaya Hadal caawa ka soo yeedhay Murashax Cirro

Hargeysa (SLpost)- Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in xisbigoodu aqbali doono natiijada codbixinta doorashada Madaxtooyada ee 13kii bishan ka qabsoontay dalka.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo u warramay Star TV caawa, ayaa hadalkiisu burinayaa dhawaaq caawa ka soo yeedhay murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo sheegay inaanay aqbali doonin natiijada ka soo baxaysa Doorashada oo maalinta Berri ah la filayo in la shaaciyo.

HOOS KA DAAWO HADALKA XIRSI

https://youtu.be/zCIwQ0JdQhQ