Hoggaamiyahee U Qalma In Loo Aqoonsado Aabbaha Somaliland?

Siciid Maxamuud Gahayr

Hordhac iyo Afeef:

Qormooyinkani waa dar gooni ii ah, hal-gunaanadka ay ku gororayaanna kuma metelo cid aan naftayda ahayn. Ma aha kuwo ka arradan tiirarka iyo tilmaamaha la cuskado marka la faallaynayo abbaar aan la isku raacsanayn. Waa kuwo aan ku abtirsan qof jeclaysi iyo lab-la-kac. Ma aha taariikh macmal ah oo hadda la unkayo. Waa kuwo kaalintiisa siinaya qof mudnaan leh, oo ay hagradeen madaxda Somaliland.

Maan ragna waa mudacyo afkood, oo xitaa aayadaha Quraanka ayay dadka qaarba si u macneeyaan. Waa gurxan iyo gorfayn hoose oo aanu wadaagnay qaar ka mid ah saaxiibadayda gaarka ah ee aan xilkasnimada iyo aqoonta u qirsanahay, oo aan maantana doonayo in aan fagaare kula gorfeeyo bulshada ay warbaahintu farriintan gaadhsiiso. Waa su’aal mug iyo miisaan leh oo in aan si weyn isu weydiiyo ay saamayn ku leeyihiin taxanaha dheer ee waxbarasho oo aan waday 80% inta aan noolaa, weligayna aan wadayo oo aan arday u ahaanayo oo ay dheertahay waayo-aragnimo aan ka helay nolosha iyo waddamo qurbe ah oo ku noolaa muddo gaadhaysa 10 sanno, kuna kala yaalla Afrika iyo Aasiya, sababta aan doonaba aan u tagee.

Abbaartan waxa aan aad u jeclaa in aan la faaqido madaxweynayaasha Somaliland waayo iyaga ayaa middida daabkeeda haya, oo go’aan dawli ah ka soo saari kara arrinkan. Intii aan hanaqaadka dhabta ah noqday ama 20 jirka gaadhay  waxa talada hayay Daahir Rayaale Kaahin, waxa aan isku dayay in aan arrinkan kala hadlo aniga oo u sii maraya rag ay is-yaqaanneen oo isugu jiray wasiirro iyo salaaddiin, laakiin iyaga oo danaysteyaal u badnaa way hagradeen in hawshani hirgasho, allaylehe waxa u dhawaa wasiir aqoonyahan ahaa, waxgarad ahaa, waxqabadkana jeclaa oo ii ballan qaaday in uu xoghayaha madaxweynaha ii ballamiyo, laakiin iyaduna aniga ayay ii cuntami weyday.

Dhawr jeer oo aan isku dayay in aan la kulmo madaxweyne Siilaanyana waxa iga hor yimi caqabad la mid ah tii Daahir Rayaale. Wax cid ah carrabaabi maayo Ilaahay ceebta muslimiinta ha asturee. Ta keenaysa in xayndaabka qasriga la igaga xeernaadaana waa aniga oo aan siyaasi ahayn, saddexda xisbi midna abidkay xubin kama noqon. Iyada oo ay taasi jirto quus kama taagni in farriintaydu gaadhi doonto cidda diiraddaydu hayso Haddii Guulluhu Oggolaado. Waxa aan filayaa in ay ummaddu arrinkan caqli kaga baaraandegi doonto, cidda caadifadi ay ku wayn tahayna lama yaabi doono, oo wax badan oo lagu dhakafaaro ayaan u soo joogay. Cidda rabta in ay faallo iyo falanqayn ka bixiso dhambaalladan waan soo dhawaynayaa, waxa aanse codsanayaa in ay faaqidaaddooda ka dhigaan marka aan ka faraxasho sababaynta iyo caddayna yoolka aan qalinka u qaatay.

Haddii aan intaas afeef ka dhigto weydiinta aan ka falcelin doonaa waa Hoggaamiyahee U Qalma In Loo Aqoonsado Aabbaha Somaliland?. Dabcan haddii hoggaamiye la yidhaahdo waxa hoos imanaya Ra’iisal Wasaare iyo Madaxweyne oo qudha, waxaana ay tani is-barbardhig ku samayn doontaa, kala reebi doontaa afar hoggaamiye oo Somaliland taladeeda qabtay, kuwaas oo kala ah:

1.      C/Raxmaan Axmed Cali “Tuur”

2.      Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

3.      Daahir Rayaale Kaahin iyo

4.      Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”

Waxa afartaas shan ku noqon doonta aragti ay dadka qaar soo-jeediyeen oo sheegaysa in AABBAHA SOMALILAND loo aqoonsado Hoggaamiyaha timaaddada keena ictiraafka weli innaga maqan. Fekraddan si gaar ah oo sababaysan ayaan u naqdin doonaa Haddii Guulluhu Ogollaado.

Fadlan La Soco!

Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi”

Hargeysa, Somaliland

saedmgahair@hotmail.com