Hoggaamiyaha Mucaaradka Libya oo Caasimadda ka dagay iyo Dal Afrikaan ah oo Qaddafi Qaabilaya

Tripoli, (SLpost):-Guddoomiyaha Golaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya Mustafe Cabdi Jaliil ayaa shalay gaadhay xarunta dalka Libya ee Tripoli, halkaas oo si la yaab leh loogu soo dhaweeyay. Tagista Madaxa ugu sareeya golaha ku-meel gaadhka Qaranka Libya ee magaalada caasimadda u ah dalkaas oo ah kii ugu horeeyay ee uu ku tago Tripoli tan iyo markii ciidamaddii mucaaridka ee dalkaasi ay magaaladaas ka xoreeyeen Qadaafi iyo ciidamadiisi ayaa ku soo beegmaya xili aad u xasaasi ah oo dunidda iyo dadka reer Libya naawilayaan ku dhawaaqista dawlad ku meel gaadh ah oo si buuxda uga hawl gasha caasimadda dalka.

Markii Mustafe Cabdi Jaliil uu gaadhay magaalada caasimadda u ah dalka Libya oo telefishanada dunida ugu waaweyni si toos ah u baahinayeen, ayaa laga dheehan karayay soo dhawayntii ugu diiranayd ee abid lagu qaabilo qof masuul ka ah dalkaas, waxaanay tani markhaati buuxa u noqonaysaa sida magaalada Tripoli uga faro muruxsatay Qadaafi iyo taageerayaashiisa, uguna gacan gashay kooxihii mucaaridka ku ahaa ee uu ku tilmaami jiray jiir tuug ah.

Mustafe Cabdi Jaliil wuxuu hogaaminayay kooxihii sida wayn uga soo hor jeeday hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucaamar Al Qadaafi oo dagaal lix bilood socday lagaga itaal roonaaday, waxa xarun u ahayd tan iyo intii uu iska casilay wasiirka caddaaladda ee uu ku biiray isla markaana hogaamiyaha u noqday kooxaha mucaaridka ah, Magalaada dhinaca bari ku taala ee dalka Libya ee Bangaazi halkaas oo xarunta mucaaridka ahayd lixdii bilood ee dagaalku socday.

23-kii bishii August 2011-ka ayaa ciidamadii mucaaridka ee NATO taageeraysay ay si fudud u jabiyeen difaacii magaalada Tripoli waxaana tan iyo intii xiligaa ka danbaysay socday diyaar garow wayn oo loogu jiro dawlad ku meel gaadh ah oo dalka Libya hogaamisa, isla markaana gaadhsiisa dimuqraadiyad iyo fur furaan xoriyada dadka ah si looga raysto xukunkii kali talisnimada ahaa ee Qadaafi oo 42-sanadood socday.

Wararka kale ee laga helay dalka Gini Bisow ayaa sheegaya in xukuumadda dalkaasi magan galyo siin doonto colonel Qadaafi haddii uu dalkeeda u soo baxsado, waxa kale oo socda dagaalo u dhexeeya kooxaha u daacada ah Qadaafi iyo kuwa dalka la wareegay oo gaashaanbuurta NATO ku taageerayso diyaaradaha dagaalka oo duqeeyay degaanka Ben Waliid.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net