Hoggaamiyaha Guud ee Kooxda Hubaysan ee Al-Shabaab oo la Waraystay iyo Arrimo xaasaasi ah oo uu ka hadlay (DHEGAYSO)

Muqdisho, (SLpost)– Hoggaamiyaha Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abu-Zubeyr oo wareysi siiyay idaacadda ku hadasha afkooda ee Al-Andulus ayaa sheegay in hadafkii loo aasaasay Al-Shabaab ay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa khilaafadii Islaamka iyo in sharciga Alle la isku maamulo.

Sheekh Abuu-Zubeyr wuxuu sheegay in manhajka Al-Shabaab uu yahay Ahlusunna Waljamaaca, ayna ku joogaan jidkii saxaabada iyo culummadii kale ee ka dambeeyay.

“Hadaflka Al-Shabaab loo aasaasay waa asal u ah soo celinta khilaafadii Islaamka, in diinta Islaamka la oogo iyo in laga hortago duulaannada looga horjeedo Islaamka ee ka jira dunida,” ayuu yidhi Amiirka Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ahdaafta ay ka mid tahay in laga hor tago ka hortagga xukuumadda cilmaaniga ah, ummaddana lagu mideeyo diinta islaamka iyo in lasoo furto muslimiinta ku xidhan xabsiyada.

“Waxaan hadafyadeenna ka mid ah in laga hor tago kuwa doonaya inay ummadda boobaan si ay isugu fillaadaan. Runtiina ahdaaftaan qaarkood waa la xaqiijiyay kuwo kalena waa dhiman yihiin,” ayuu amiirku hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu mucaaraday maxkamadihii Islaamka ee awoodda kala wareegay Muqdisho hoggaamiye kooxeedyadii, isaga oo sheegay in mas’uuliyiinta maxkamadda ay ku jireen kuwo doonayay xilligaas in awoodda lala qaybsado xukuumaddii markaas jirtay ee Cabdillaahi Yuusuf.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inay kala miirmeen oo ay kala baxeen iyaga iyo raggii uu sheegay inay doonayeen in xukuumadda wax lala wadaago, isaga oo sheegay inay ku taagnaan doonaan dariiqa ay ku taagan yihiin illaa ahdaaftooda ay uga suurto-galayso. Amiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay aqoontii u lahaa Sheekh Aadan Xaashi Cayrow iyo sida ay geeridiisu wax uga beddeshay noloshiisa, waxaanu sheegay in ay ahayd mid taabatay dareenkiisa.

Wareysigan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo Amiirka Al-Shabaab uu si toos ah u siiyo idaacadda ku hadasha afkooda, iyadoo Xarakada Al-Shabaab oo ka talisa inta badan gobollada Koonfurta iyo badhtamaha lagu eedeeyaa inay ku kacdo falal ka dhan bani’aadamnimada.

Halkan ka dhagayso

[audio:https://somalilandpost.net/wp-content/uploads/2011/12/hogaamiyaha_shabab-.mp3|titles=hogaamiyaha_shabab]