Hogaanka Saddexda Xisbi Oo La Kulmey Qaadhaan Bixiyeyaasha Doorashada

Hargeysa(SLpost) – Saddexda guddoomiye ee xisbiyada qaranka Waddani, UCID iyo KULMIYE, ayaa shalay kulan la yeeshay wadamada deeq bixiyayaasha ah ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

 

 

Kulankan oo ay guddoomiyayaashu Cabdiraxmaan-Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiye xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed wada jir ula yeesheen ergo ka socotay wadamadan, ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd sidii ay wadamadan ugu dhiirin lahaayeen inay bixiyaan lacagta kaga soo hagaagtay hirgelinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyadoo ay xukuumadu bixisay 25% kaga soo hagaagay balse dhinaca wadamadan laga sugayo 75% oo aanay weli bixin.

 

 

Kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, ayaa sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali waxay saddexda guddoomiye xisbi ergaydan ka socotay wadamada deeq bixiyayaasha cod wada jir ah kaga dalbadeen inay fuliyaan balan qaadkii ay hore u sameeyeen oo ay bixiyaan dhaqaalaha dhinacooda ku xayiran ee lagu bilaabayo hawlaha diiwaangelinta oo la qorsheeyay in bishan si ramsi ah loo bilaabo. Sida ay xogahani tibaaxeen, waxa kale oo ay saddexda guddoomiye xisbi u tilmaameen masuuliyiintan ay la kulmeen in haddii uu jiro culays kale oo ay u baahanyihiin ay diyaar u yihiin inay safar ku tagaan magaalada Nayroobi oo xarun u ah wadamadan, iyadoo ay xubno xisbiyada ka tirsani si kaftan ah ugu sheegeen masuuliyiintan suurtogalnimada in dhaqaaluhu u xanibanyahay khilaafaad dhex maray xukuumadda Somaliland iyo ergayga Midowga Yurub oo ku saabsanaa muddo kordhintii ay guurtidu samaysay.

 

 

Ergadani waxay dhinacooda sheegeen inay diyaar u yihiin fulinta balan qaadkii ay sameeyeen islamarkaana ay ku gudo jiraan soo daynta dhaqaalaha laga sugayo, waxaanay cadeeyeen inaanay jirin caqabad ay sheegi karaan oo dhaqaalaha hortaagani balse aanu dhaqaaluhu weli u iman arrimo farsamo dartood kuwaas oo ay sheegeen inay iska dhammaanayaan dhawaan.

 

 

Waxa kale oo ay meesha ka saareen suurtogalnimada in dhaqaaluhu u xayiranyahay arrimo siyaasadeed, waxaanay madaxda xisbiyada u balan qaadeen in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dayn doono dhaqaalaha diiwaagnelinta laga sugayo. Hase yeeshee dadka arrimahan lafo-gura ayaa aaminsan inuu jiro qorshe qarsoon oo sabab u noqday inaanay wadamadani soo dayn dhaqaalihii laga sugayay.

 

 

Lacagtan ayaa haddii aanay wadamadani bixin noqon karta caqabad soo waajahday doorashooyinka la filayo inay dalka ka hacaan 2017.