Hogaamiye Xag-jir Ahaa Oo Lagu Dilay Dalka Ciraaq

Baqdaad, (SLP)- Hoggaamiye xag-jir ahaa oo lagu magacaabo Cizzat Ibrahim al-Douri, ayaa lagu dilay dalka Ciraaq, waxa sidaa xaqiijiyay saraakiisha dalkaasi.

Waxa uu madaxweyne ku-xigeen u ahaa madaCizzat Ibrahimxweynihii hore ee Ciraaq, Saddam Xuseen.

Saraakiisha waddankaas ayaa sheegay in uu ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Salaxuddin, ee waqooyiga Ciraaq.

Taageerayaashiisa ayaa diiday in arrintaasi ay jirto.

Al-Douri, ayaa 72-sano jir ahaa, waxaanu hoggaaminayay koox la yidhaahdo Naqshbandi, oo ah koox xoog badan oo ka dambaysay kacdoonkii kooxda Daacish.

Waxa uu ku-xigeen u ahaa Saddam Huseen, oo xukunka laga tuuray markii ciidamo Maraykan  ay horkacayaan ay galeen Ciraaq, sanadkii 2003-dii.

Al-Douri, ayaa loo arki jiray in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Ba’ath.

 

Wararka Caalamka

Somalilandpost.net