Hilary Clinton Oo Isu Soo Sharixi Doonta Madaxweynenimada Mareykanka, Muxuuse Obama Ka Yidhi?

New York, (SLP)- Hilary Clinton ayaa ku dhawaaqi doonta dhawaan inay u tartami doonto doorashada madaxweynenimada Maraykanka.

Dad la shaqeeya xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa sheegay inay dhawaan ku sheegi doonto twitter inay doonayso inay tartanto, kadibna video ayay soo galin doontaa internetka, iyadoo sheegaysa sababta ay u tartamayso.

Waa qofka ugu horeeya dadka u tartami doona xisbiga Dimuqraadiga.

Madaxweyne Obama ayaa shalay taageeray Hilary Clinton wuxuuna sheegay inay noqon karto madaxweyne fiican.

 

Somalilandpost

Wararka Caalamka