HIIL-SHARCI: Haddii Qaddarinta Sharcigu inagaga Xoog badan Tahay HEBELNIMADA Wasiirka Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku Midna Maanta Ismuu Hortaagi Kareen Shirkan Arinka Xeerka Nidaamka Garsoorka !!?

Garyaqaan Salidhige

Ugu horayn, waxaan u mahadnaqayaa Illaahay (SWT), oo ah illaaha keliya ee Xaqa lagu Caabudo. Ilaahaas oo ah illaaha rogroga Quluubta Dadka ee Xaaladba ku bedela Xaalad kale, illaahaas oo ah inoogu Bushaareeyey in haddii aynu isaga u mahadnaqno in uu inoo kordhindoono Fadligiisa iyo Naxariista. Illaahaybaa Mahad leh.

Mahad Illaahay dabadeed;

Waxaan halkan aan u mahadnaqayaa Wasiirka Caddaaladda, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garsooreyaasha, Xeer ilaaliyeyaasha, Xildhibaanada Baarlamaanka, Aqoonyahanada, madaxda Hay’adda UNPD, Macalimiinta Sharciga iyo dhammaan dadka ka soo qaybgalay iyo cid kasta oo soo qabanqaabisay Shirkan saddexda casho socday ee xidhmaya berito 29/02/2012, ee lagaga hadlaayey xalinta iyo midaynta labada Xeer ee Nidaamka Garsoorka dalka,

Haddaba, anigoo ah garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige), ahna Garyaqaan tabliiqi ah (Voluntary Lawyer), isla markaana gudanaya xuquuqda waajibaad ahaan aniga isaaran ee ay igu leeyihiin madaxdaas iyo bulshaduba, si waafaqsan Qodobada 12, 34 ee Dastuurka JSL, iyo Aayadaha 104aad iyo 110aad ee Suuradda Al-Cimraan, iyo Aayadda 2aad ee Suuradda Al-Maa’idah, ayaa waxaan halkan dadkaa iyo madaxdan maalmahanba ku hawlanaa hagaajinta Xeerka Nidaamka Garsoorka aan u soo gudbinayaa Qormadaydan kooban ee Hiilka-Sharci ah, oo nuxurkeedu yahay is-baraarujin ama Is-xasuusin oo qaab dhaliilid wax dhisid ah (Positive or Constructive Critizism) aan u soo bandhigayo arimo dhaliilo jira oo la hilmaansan yahay, oo mudadii Shirku socday iyo horeba aan la isula soo qaadin, dhaliilahan oo ah kuwo ceebteeda iyo canaanteedaba aan ku koobnayn cid gaar ah, sidaan anigu arkona ah barta Sartu ay ka qudhunsantay ee ugu Weyn ee sababa Mushaakilaadkii lagala kulmay arinka Xeerkan.

Ugu horayn, waxa xusid iyo ammaanba mudan garashada xiligan ee la gartay in Meel la iskugu keeno labada Xeer ee isku lidiga ah, ee ah haddana isla midka keliya ee Xeerka Nidaamka Garsoorka dalka, si looga baxo khilaafaadkii iyo muradii Sharci ee regaadiyey habsami u socodka Hanaanka Caddaaladda Garsoorka ee dalku. Waxa kale oo xusid mudan, Nuxurka iyo kala duwanaanta labadaas Xeer oo kala ahaa, iyada oo midi uu Sheegayey:

1) In Xeerka hore uu Madaxbanaynayo Garsooreyaasha Maxmadda Sare ee aanu ku jirin Guddoomiyuhu, kaas oo jidaynayey in sida Guddoomiyaha Marka lama Magacaabo iyo marka shaqada laga saarayo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare in Baarlamaanka dalka la mariyo, si ay u diidaan ama ay uga aqbalaan, si looga hor tago Madaxweynuhu uu ku caqli keefo, oo haddii isagu ama xulafadiisu ay danahooda gareed ka dhex arki waayaan Go’aanada iyo Hawlqabadyada Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Dalka uu iskiis u eryi karo ama uu iskiis uu qaar kale oo uu dan gaara bido u magacaabi karo;

2) Xeerka labaad, ee mudada sanadaha ah isna garab socday ee lidka ku ahaa kaasna, waxa uu ahaa diidmo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu hore ku diiday inuu saxeexo Xeerkaas hore ee ka soo baxay Baarlamaanka, isagoo Madaxweynuhu xiligaas diidmadiisa u cuskaday Qodob Dastuurka ka mid ah uu sheegay in Madaxweynuhu xaq u leeyahay magacaabista iyo eriga Garsooreyaasha Maxkamadda Sare.

Si kastaba ha ahaatee, waxa hirgeliyey oo agtooda ay ka suurta gashay in labadaas Xeerba ay mudaas sanadaha ah is garab socdaan, ayaa waxay ahaayeen xulafooyin la kala safan fikradaha qolooyinkaas oo Baarlamaanka iyo Garsoorkaba kala tirsan iyo in qolooyinkaas sii daba fadhiday, oo dhammaantood ahaa kuwo qaddarinaya HEBELNIMADA halkay ka qaddarin lahaayeen ku xisaabtanka iyo ilaalinta Xeerarka dalka ee ummaddu ay dhigatay ayaa, kuwaasoo qolona cidda Kursiga Madaxtimo la saaxiib ahaa Kursi-ku-joog, qolada kalenay ay ahaayeen qolooyinkan maanta oo xiligaas ahaa kuwa Kursi-Dibad ka jooga ahaa.

Haddaba, maanta qoladii Mucaaradka ahayd ee xiligaas wadatay qorshan Garsooreyaasha maxkamadda sare lagaga madaxbanaynayo Madaxweynaha (Xukuumadda), ayaa ciyaarta u wadda si lid ku ah doonitaankoodii hore, kuwaas oo iyagu aan ogolayn in Garsooreyaasha Maxkamadda Sare laga madaxbaneeyo cidda khatarta ku ah oo ah kolba cidda ku Fadhida Kursiga Madaxweynenimo ee dalka.!! Si kastaba ha ahaatee, arintaasi waa mid la isaga daba iman doono loona Kitaab dayi doono. Inshaa allah.

DHIBTA QADDARINTA XEERARKA DALKA

Waxa xaqiiqo ah, in haddii ay yihiin Sharciyaqaanadeedu xiliga gudashada mihnadahooda ku xisaabtama Mabaadiida Sharciyadda iyo Sharcinimadu (the Principles of Legality and Legitimacies), may dhacdeen in ay ku sugaan xaaladdan ba’an ee Sharciga iyo Xeerarka dalku ay ku sugan yihiin.

Haddaba, waxaan anigu leehayay ‘Haddii Sharciga la Qaddarinaayo, oo HEBELNIMADU aanay agteena ku saraynin, waxa xaqiiq ah, in Wasiirka Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qarankuba midna ismuu soo Hor istaagi kareen Shirkan maanta ee lagaga hadlayo Hagaajinta iyo Midaynta labada Xeer ee Nidaamka Garsoorka JSL, maadaama goobtaas ay fadhiyaan dad Sharciyaqaano iyo Xildhibaano baarlamaan ahi !!’ WAAYO, labad Masuul ee Wasiirka Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qarankuba waxay yihiin Masuuliyiin horjooge iyo Madaxba ka ah Hay’ado gebi ahaanba Sharci daro ku dhisan, oo aanay jirin wax Shuruuc ah oo ka soo baxday Baarlamaanka JSL oo lagu Aasaasay dhismeyaasha Hay’adahaas.!!? Sidaas darteed, marka lagu xisaabtamayo Mabaadiida dimuquraadiga ah ee XUKUN DAL OO KU DHISAN SHARCI (Rule of Law) iyo mabda’a kale ee SARRAYNTA SHARCIGA iwm, ayaa u may suurto gasheen in madaxda caynkaasi ahi ay soo horjoogsadaan dad sharciyaqaano ah, iyo inay Weliba ku mashquulaan sidii Garsooreyaasha iyo Qareenada Dalka ay ugu samayn lahaayeen Xeerar lagu EDBIYO ee Xaga Qiimayntooda, ee sida maanta iwm.

Inay sidaas, tahayna waxa marag iiga ah Labadaas Masuul ee Wasiirka Caddaaladda oo ah nin isagu ah Garyaqaan iyo Xeer ilaaliyaha Guud, kuwaas oo ah kuwo u baahan oo keliya cid ka madaxbanaan Dawladda oo soo bandhigta arinkaas. Mawduucan oo Faah-faahsan kala soco Qormooyinka dambe ee HIIL-SHARCI. Xeerar ku sheega ay ku dhisan yihiin hay’adahaasina ka daalaco  Shabakadda mareegta Internet-ka ee Cinwaankeedu yahay TABLIIQI SHARCI.

http://www.tabliiqisharci.co.cc/2012/01/halkan-ka-dhugo-xeer-ku-sheegyada.html

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

by: Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige)