“Heshiiskii Xisbiyaddu Muu Ahayn Heshiis Dastuuri ah, Wuxuu ahaa Is-faham Siyaasadeed” Xoghayaha KULMIYE

Hargeysa (SLpost)- Xoghayaha guud ee xisbiga   Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ayaa ku tilmaamay   in aanu sharci ahayn heshiiskii ay wadda gaadheen saddexda xisbi iyo xukuumaddu hase yeeshee uu ahaa is-faham  siyaasadeed oo laga gaadhay arrimaha doorashooinka.

Waxaanu sheegay xoghayaha KULMIYE in  heshiiskaasi  markii u horaysay ee la wada saxeexanayay in uu xisbiga Waddani ka baxay, isla markaana ay xisbiyadu u aqoonsan yihiin mid sharciyadda waafaqsan go’aankii guurtidu gaadhay.

Xasan Siciid, oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN,  waxa uu xusay in dastuuri yahay go’aankii golaha guurtidu muddo xileedka ugu kordhiyeen xukuumadda iyo golaha wakiiladda isla markaana heshiiska xisbiyadu burinan go’aanka golaha guurtida.

“Heshiiska xisbiyadda iyo xukuumaddu wada gaadheen muu ahayn  heshiis dastuuri ah, balse wuxuu ahaa  heshiiskaasi is-faham siyaasadeed oo ay axsaabtu wad agaadheen.   Mana   burinayo go’aanka golaha guurtida ee mudada ay ugu kordhiyeen xukuumadda iyo golaha wakiilada go’aankaa aanu wadda gaadhnay xisbiyaddana waxa uu ahaa mid siyaasi ah.  Arrintaana  markii la doonayay in golaha guurtida in lagu qanciyo xisbiga Waddani  isagaa ka baxay heshiiska.  markaa heshiiskaasi  muu  ahayn mid dastuuri ah,  guurtiduna waa mid sharciya”ayuu yidhi Xasan Siciid.

Xoghayaha guud ee KULMIYE,  waxa kale oo  uu tilmaamay in beesha caalamku aanay burin karin go’aamadda dastuuriga  ah ee ka soo baxa goleyaasha qaranka Somaliland, hase yeeshee Somaliland iyo beesha caalamka ay ka dhaxayso wada shaqayn.

Dhinaca kale  xasan Siciid waxa uu sheegay in ay ka xisbi ahaan u hogaansamayaan go’aankii guurtidda. Isagoo xusay in aanay  jiri doonin wax dhibaato ah oo  dalka ka  dhacdaa markaay dhamaato xiligii sharciga ahaa ee la doortay madaxweynaha iyo ku xigeenka. Isagoo tilmaamay  in aanay  cidina ka saraynin  dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla.

 

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu  yidhi “Annagu (Somaliland) dastuur ayaan leenahay sharci ayaan leenahay. Xidhiidh iyo wada shaqayn way inaga dhaxaysaa beesha caalamka laakiin ma farogalin karaan mana burin karaan wixii go’aamo ah ee aynu leenahay dawlad ahaan.

Xisbi ahaana waanu   ixtiraamayaan go’aankii golaha guurtida.  go’aanka golaha guurtidana waa mid sharciya oo aan ixtiraamayno oo aan aqoonsanahay wax dhici doonaana ma jiraan deerona deero hirdiyi mayso waxaa mucaaradku sheegayaan sharcigana cidina kama wayna.”

Xoghayaha guud ee Kulmiye waxa kale oo uu sheegay in kooxda madasha sharci ahan isla markaana xisbiyadda mucaaradku ku milmeen.  “Madasha wadda tashigu ma aha xisbi jira oo sharciya waa dad muwaadiniina oo ka mid ah shacbiga reer Somaliland markaa go’aan  saamayn leh ma aha,  mid siyaasadeed oo sharci midna malaha axsaabtuna waa sharci ee madasha ma  iyagaa ku milmay mise madashaa ku milantay”ayuu yidhi Xasan Siciid.

Source: DAWAN