Heerka Xannuunka HIV/AIDS Xilligan ka marayo Somaliland oo la soo Bandhigay

Hargeysa (SLpost)- Komishanka heer Qaran ee Xakamaynta Xannuun-Dhaliyaha HIV iyo Cudurka AIDS ee Somaliland ee SOLNAC oo kaashanaya hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Tirakoobka Dadka ee UNFPA, ayaa maanta soo bandhigay Xaddiga iyo Heerka uu Xannuunkani xilligan ka marayo Somaliland.

 

Faahfaahinta xogtan ayaa lagu soo bandhigay bilowga Kulan laba maalmood soconaya oo ay wada-jir u soo qaban-qaabiyeen Komishanka SOLNAC iyo hay’adda UNFPA, waxaana ka qayb-galay masuuliyiin ka socday labada dhinac, saraakiil ka socda wasaaradda Caafimaadka iyo Ururrada bulshada ee wada-shaqayntu ka dhaxayso.

 

Kulankan ayaa sidoo kale lagaga hadlay qaabka wada-shaqayneed ee labada hay’adood iyo hannaanka ay u maraan xakamaynta xannuunka iyo taageerada ay siiyaan bukaan-socodka la-nool xannuunkan iyo doorka ay ka geystaan sidii dadkaasi u heli lahaayeen daawooyin wax ku-ool ah.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE