“Hebel baan ahay oo Ina’ Heblaayaa i dhashay ee maanad igaranayn, socon mayso”

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay si mug leh uga qayb-qaataan Diiwaangelinta Muwaadiniinta oo la qorsheeyey gobollada iyo degmooyhinka dalka inay ka dhacdo badhtamaha bishan.

Hebel baan ahay oo Ina’ Helaayaa i dhashay ee maanad igaranayn, socon maysoWasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay dalka soo gaadheen Agabkii loogu talo-galay Diiwaangelinta Muwaadiniinta, gobollada iyo degmooyinka dalkana la gaadhsiin doono todobaadka soo socdo. Waxa uu Wasiirku sheegay in hirgelinta kaadhadhka diiwaangelinta muwaadiniintu qayb laxaad leh ka geysanayso sugidda ammaanka dalka iyo karan-tiimaynta dadka sharci-darrada ku jooga waddanka, waxaanu shacabka u soo jeediyey in aan loo kala hadhin qaadashada kaadhka aqoonsiga Muwaadinka.