Hay’addaha Gargaarka Oo Walaac Ka Muujiyay Xidhitaanka Xawaaladaha Soomaalida Ee Dalka Kenya

Kenya_Freezes1New York, (SLP)- ha’yaddaha gargaarka ayaa dawladda Kenya ka codsaday in loo fasaxo Soomaalida xawaaladaha lacagaha dira, kuwaasoo dhawaan ay dawladda Kenya intoodii badnayd albaabada u xidhay, iyadoo hay’adduhu sheegay in saamaynayso qoysas badan oo soomaaliyeed oo quudan jiray waxay eheladoodu ugu soo diraan xawaaladaha.

Arbacadii todobaadkii hore ayay dawladda Kenya hakisay 13 ka mid ah xawaaladaha soomaalida, kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan siiyaan kooxda xag-irka ah ee Al-shabaab ka dib markii ay kooxdaasi xasuuq xun ka gaysay, jaamacadku taalla magaalada Garrisa oo ku taala waqooyiga dalka Kenya, halkaasoo ay qoorta kaga jareen 148 qof oo u badnaa ardadydii jaamacadaas dhiganaysay.

“Qoysaska Soomaalidu waxay waayayaan lacagihii yaraa eey quudan jireen, kuwaasoo loo so marin jiray xawaaladaha, isla markaana ay noloshooda ku dabaqin jireen.” Sidaa waxa lagu yidhi war-saxaafaddeed ay si wada ji ah usoo saareen hay’addaha. Oxfam, CARE, Mercy Corps, Adeso and World Vision Somalia.

“Hay’addaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa sidoo kale ay ku adkaanaysaa oo ay khatar ku jirtaa, sii wadida hawlaha bani’aadannimo iyo horumarineed ee ay ka hayaan Soomaaliya, kuwaasoo lacagahooda qaar marin jirin xawaaladaha Soomaalida.” Ayaa sidoo kale lagu yidhi warbixinta hay’addaha.

Sannad kasta qurbe-jooga Soomaalidu waxay kusoo diraan xawaaladaha in ka badan $1.3 billion, oo doolar, taasoo ka badan lacagaha ku baxa hawlaha bani’aadannimo iyo horumarineed ee ay fuliyaan hay’adduhu, marka loo eego warbixin ay soo saareen sannadki 2013 hay’addaha Oxfam, Adeso and the Inter-American Dialogue.

Lacagahaas waxay badbaadiyaan malaayiin dad ah, kuwaasoo ay aafeeyeen dagaalada ay kooxaha xag-jirka ahi ka wadaan dalka Soomaaliya iyo sidoo kale abaaraha soo noqnoqda ee dalkaas ka dhaca.

Nolosha Soomaalida oo keliya maaha waxay saamaynayso arrintani. Sidoo kale dadka reer Kenya ee soomaalida way saamaynaysaa, kuwaasoo ka badan hal milyan oo qof..

 

Somalilandpost
Hargeisa Office