Hay’adda sirdoonka dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo xireen dad isugu jira Soomaali iyo Iiraaniyiin ku lug lahaa faafinta mad’habta shiicada.

Muqdisho(SLpost)-Hawlgalkan oo dhacay dabayaaqada todobaadkii hore ayay ciidanka ammaanku ku weerareen hotel ay ka dhacaysay xaflad la sheegay in lagu xusayay dhalashada Nabigeena NNKH oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Al-imaam Al-khumeyni ee dalka Iiraan, sidoo kale waxa xafladdaasi guur wadareed loogu samaynayay dhalinayro Soomaaliyeed.

War qoraala oo ka soo baxay xafiiska taliyaha sirdoonka gobolka Banaadir Cabdixakiim Axmed Farey ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonku ay in mudo ahba ku raad joogeen barnaamijka lagu fidinayo mad’habta shiicada isla markaana ay jiraan dad Soomaaliyeed oo mad’habtaasi qaatay taasoo khatar ku ah baa la yiri jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaashaha amniga.

Sidoo kale waxa ay hay’adda sirdoonku sheegtay in ay jiraan dhalinyaro iyo hay’ado loo qaado dalka Iiraan kuwaas oo ay yiraahdeen waxa lagu soo shubaa fikirka shiicada si ay dalka uga faafiyaan.

Warka ka soo baxay NISA waxa kale oo lagu sheegay in ay jiraan dad masuuliyiina oo ka tirsan dawladda oo xiriir la leh barnaamijyadaasi iyagoo dhanka kale ka hadlay kulamo arintaasi ku saabsan oo ay yiraahdeen safiirka Iiraan waxa uu ku qabtay xaafado ka tirsan Muqdisho.

Hawlgalkaasi dadkii lagu qabtay waxa kamid ahaa labo nin oo u dhashay dalka Iiraan oo ay yiraahdeen ciidamada ammaanku waxa ay ku lug lahaayeen fidinta mad’habta shiicada.