Hargeysa, 10 March, 2012 (SLpost)- Mas’uuliyiinta Hay’ada Shaqaalaha dawlada ayaa Maanta Gudoonsiiyay Qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa banaan ee dawlada Nuqul buug ah oo lagu soo koobay natiijada imtixaankii Qiimaynta Shaqaalaha ka hawlgala .
Wasaaradda Warfaafinta oo ka mid ahayd hay’adihii Dawladda ee la guddoonsiiyey natiijada imtixaanka Qiimaynta ah, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil iyo madax kale oo la socday
Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Mudane Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil ayaa wasaaradda warfaafinta uga mahad celiyey doorka ay ku lahaayeen habsami u socodsiinta hawlaha ay u xilsaaran tahay hay’ada shaqaalaha dawladu isla markaana ay si dadban ugula qayb qaateen gudashada waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan .
Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada oo sharaxayey waxyaabaha ilaa hadda ka soo baxay natiijooyinka imtixaankii qiimaynta waxa uu sheegay in la helay shaqaale rasmi ku ah hay’adaha dawladda ee kala duwan, halka sidoo kalena uu Gudoomiyuhu xusay inay ay shaqaalaha laftoodu kor u qaadeen aqoontooda wixii ka dambeeyey markii imtixaanka la bilaabay , isagoo intaas raaciyay in shaqaalihii u dambeeyey ee Imtixaanka laga qaaday oo tiradoodu dhamayd 420 ay ka dhaceen 5 qof oo keliya.
Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Mudane Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil oo munaasabadaas kaga warbixiyey qorshayaasha hay’adda shaqaalaha ee sanadkan 2012, waxa uu cadeeyey inay qorshaha ku darsadeen sidii loo kala saari lahaa shaqaalaha rasmiga noqday iyo sidii loogu kala samayn lahaa Derejooyinka A 9 ilaa A 1 iyo sidoo kale B 9 ilaaB 1 ama C 9 ilaa C 1,
Waxa uu Gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay in la xadidi doono xuquuqda shaqaalaha gaar ahaan kuwa hawlgabka noqda iyo kuwa geeriyooda. Taasoo ay dheer tahay sida uu sheegay abaal marino la siin doono shaqaalaha mas’uuliyadooda ka soo baxa, waxa uu Gudoomiyuhu intaas ku daray inay wasaarad waliba u samayn doonto meel laga helo xogtooda oo dhamaystiran .
Gudoomiyaha hay’adda shaqaalahu waxa uu agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta si rasmi ah u gudoonsiiyey Nuqul ka mid ah Buug ay ku dhan tahay natiijada Imtixaankii qiimaynta shaqaalaha wasaaradda warfaafinta .
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee JSL Mudane Faysal cali Sheekh oo kulankaasi ka hadlay waxa uu hay’adda shaqaalaha dawladda uga mahadceliyey hawsha qaran ee ay hayaan .
Dhinaca kale, La taliyaha wasiirka warfaafinta Engineer Maxamed Maxamuud Xasan Mijir oo dhowaan ka soo laabtay mandaqadda aasiyada fog gaar ahaan wadanka China oo laga soo qaadayey Idaacadda weyn ee dalka la keenayo ayaa warbixin kooban ka bixiyey idaacadaas oo uu ku sheegay inay tahay 100 KWT ah oo ay farsamaysay shirkad caan ah oo caalamka oo dhan u kala dirta agabka ay farsamayso.
Kulankaasi ka bacdi mas’uuliyiinta lab
ada dhinac waxay kormeer wada jir ah ku mareen Hoolka Tiyaatarka wasaaradda warfaafinta oo uu ka socday Imtixaan aqoon korodhsi ah oo laga qaadayey shaqaale ka tirsan wasaarada warfaafinta oo muddo labo bilood ah waxbarasho xidhiidh ah ku soo jiray.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawlada Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil ayaa kormeer kan la mid ah waxa uu ku soo maray Wasaarada Maaliyada,Hanti dhawrka Guud,Xisaabaadka iyo hay’ada Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa.
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net