Hay’adda Human Rights Watch Oo Ciidamada Amniga Kenya Ku Eedaysay Xad-gudubyo Ka Dhan Aadamaha

Nairobi, (SLpost)- Hay’adda Human Rights Watch ee u ol’oleysa xuquuqda aadamaha ayaa sheegtay in tallaabooyiinka ciidamada amniga ee Kneya, ka dib weerarada Al-shabaab ay sare u qaaday xiisadda dalka.Kenya army

Arrintan oo lagu sheegay warbixin maanta la soo saaray, ayaa kusoo beegmaysay hal sano ka dib weerarkii Mpeketoni, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof.

Hay’adda Human Rights Watch waxay sheegeysaa in ciidamada amnigu ay ku guuldareysteen inay difaacaan dadka rayid ka ah, intuu weerarkaasi socday ama ay baadhitaan sax ah ku sameeyaan arrinta.

Waxay hay’addu hoosta ka xariiqday in markii ay ka jawaabayeen ciidamadu dhacdooyinka, inay xannibaad ku rogeen Muslimiinta iyo Soomaalida, taas oo hay’addu ay ku tilmaamtay inay xaaladda sii xumaysay.

Somalilandpost.net