Hay’adda Dhawrista Tayada oo faahfaahin ka bixiyey hawl-gallo ku soo ururiyeen Raashin iyo dawooyin Wakhtigoodu Dhacday

[H]argeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee hay’ada Dhawrista Tayada Somaliland Nuuradiin Maxamed Cabdilaahi ayaa ka warbixiyay hawl-galo ay wax kaga qabanayaan raashino wakhtigoodii dhacay oo ay ka soo uruuriyeen Magaalooyinka Boorama iyo Hargaysa.

Agaasimuhu waxa uu tilmaamay in afar gaadhi oo ay ku raran yihiin raashin wakhtigiisii dhacay ay ku soo kala qabteen hargaysa iyo Boorama,waxaanu xusay in hawl galkan ay la kaashadeen ciidamada booliska somaliland,Agaasimaha Guud ee hay’ada Dhawrista Tayadu waxa uu sheegay inay sidoo kale gacanta ku hayaan dadkii watay raashinkaas wakhtigiisu dhacay isla markaana ay sida ugu dhakhsiiyaha badan ula tiigsan doonaan Sharciga , isagoo warbaahinta u soo bandhigay raashinkankan ay hayaan iyo noocyada uu ka kooban yahay.

Agaasimaha Guud ee hay’ada Dhawrista Tayada Somaliland Nuura-diin Axmed C.laahi waxa uu xusay in hawl wadeeno ka tirsan hay’adani ay ka hawl galaan qaar ka mid ah gobolada dalka isla markaana ay xidhiidh wada shaqayneed la leeyihiin Kastamada iyo Ciidanka Booliska ,waxaanu uga digay Ganacsatada iyo cid kasta oo arrimahani khuseeyaanba inay ka feejignaadaan Raashin ama Sharaab wakhtigiisu dhacay oo sifo been abuur ah bulshada dib loogaga iibiyo,isagoo intaas raaciyay in ay Sharciga la tiigsan doonaan cidii fal noocan oo kale ah lagu qabto.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net