Hargeysa (SLpost)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada ugu jira Axsaabta Mucaaradka, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey xad-gudubyo ka dhan masuuliyadda ay qaranka u hayaan ku samaysay Waaxaha Garsoorka iyo Sharci-dejinta, isla markaana ay uga faa’idaysanayso danaheeda iyo rabitaankeeda siyaasadeed.
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Garsoorka, Cadaaladda iyo Dastuurka ee Golaha Wakiilada Siciid Cilmi Rooble oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsna golahaas, ayaa ka digay cawaaqib-xumo ka dhalan karta inay Xukuumaddu baal-marto ku-dhaqanka xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiillada oo uu sheegay inay tallaabadaasi horseedi doonto in lagu dhaqmi waayo digreetooyinka madaxweynuhu soo saaro.
HALKAN KA DHEGAYSO
somalilandpost.net