Ha’yad Dedaal Ugu Jirta inay Daboosho Adeegyada ay u hayso Qaranka

Hargeysa (SLpost)-Madbacadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay sadex sano ku dhawaadkii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka haysay ka mid noqotay Ha’yadaha dawliga ah ee soo kabtay isla markaana tanaaday ee daboolay adeegii ay qaranka uga masuulka tahay oo ah inay daabacdo dukumantiga cashuur qabashada ee dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ee dalkaba.

Sidoo kale waxay Madbacadda qaranku noqotay xarun ku filan inay bixiso mushaharka shaqaalaha ka hawl-gala oo xiliyadii hore mushaharku iska gaadhi jiray illaa todoba bilood. Waxa imika shaqaalaha madbacadda qaranku ay sida shaqaalaha kale ee dawladda dhexe u shaqeeya ay mushaharka qaataan 1-da bisha.

qabooooooooo

“ILAAHAY mahadii shaqaalaha madbacadda qaranku waxay u helaan mushaharka si joogto ah, waxaanu qaadanaa maalmaha ugu horeeya ee bisha. Waxa xukuumadda Axmed Siilaanyo ay xilka la wareegtay iyadoo xaaladda madbacaddu aad u liidato oo shaqaaluhu aanay wax mushahar ah qaadan muddo 7 bilood ah,”ayuu yidhi Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha Madbacadda qaranka Cumar Xasan Nuur.

Taasina waxay sababtay inay laban laabaan shaqadooda waxaanay ka mid yihiin Ha’yadaha dawliga ah ee dhamaysta saacadaha shaqadda waxaanay xafiisyadooda ku sugan yihiin 7:00 subaxnimo illaa 2:00 duhurnimo. Iyadoo mararka qaarkood ay qeyb ka mid ah shaqaaluhu u soo noqdaan shaqooyinka dheeriga ah.

Waxa kale oo Maamulka Madbacadda qaranku uu dedaal u galay inuu toosiyo cilaaqaadka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya Ha’yadaha dawladda ee ay u daabacaan dukumantiga. Waxaana wasaarad waliba ama xafiis waliba dalabaadka uu u keeno loogu daacaa muddo kooban oo ay raali ku yihiin.

Madbacadda qaranku waxa kale oo ay u guntadeen inaanu ka kala go’in agabka ay ku shaqeeyaan sida waraaqaha iyo khadadka kala duwan, iyadoo mar walba istoodhadooda ay ugu jiraan agabkii shaqada oo aanay ka war-war qabin inuu dhamaado.

Intaasi waxa dheer in Maamulka madbacadda gaar ahaan intii uu xilka hayay Maareeyaha Guud ee Madbacadda Mudane Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray) uu juhdi u galay sidii uu u soo kordhin lahaa makiinadaha madbacaddu ku shaqayso. Waxaanu soo iibiyay laba makiinadood oo kala ah Makiinad waraaqaha lagu googooyo oo cusub iyo Makiinad kale oo loo adeegsado gawraca waraaqaha oo iyana cusub.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxay madbacadda qaranka ka muuqda isbedel balaadhan iyo horumar ay ka dhaxashay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

somaliland post.net

Hargeysa