Hawraarta Ganacsatada Xoolaha, Hootada Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hagar-daamada Maxjarka Al-Jaabiri

“Cudurka Buruseelaha Sucuudigu wuxuu oggol yahay boqolkii laba haddii laga helo lama soo celiyo. Marka laba kun oo Geel ahi ay joogaan, dhakhtarku waxa uu dhiigga ka qaadayaa boqol neef. Markii la baadhayna, labadii Kun ee Neef waxa laga helay Afartan kaliya, iyagana waxa laga yaabaa inay sii galeen Khanka Markabka oo sidaas ay ku heleen,” ayuu yidhi Dr Cali.

geelHargeysa (SLpost)- Waxa shalay magaalo-xeebeedda Jeddah ee dalka Sucuudi Carabiya dib looga soo celiyey Markab Siday Xoolo isugu jira Adhi iyo Geel, ka dib markii Xannuunka Buruseelaha la laga Helay Geelii Saarnaa Markabkaas halka adhigii ka baxay tijaabada Caafimaad ee la mariyey isla markaana sidaas lagu wareegay, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiinta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee gobolka Saaxil iyo qaar ka mid ah ganacatada xoolaha eek u sugan magaalada Burco.

Markabkan oo noqonaya kii labaad ee muddo bil-gudaheed ah xoolihii saarnaa laga soo celiyo dalka Sucuudiga, ayaa 26-kii bishii hore ka amba-baxay Dekedda magaalada Berbera, ayaa qaaday 11,600 neef oo Adhi ah iyo 1,280 neef oo Geel ah, waxaana xaaladdooda Caafimaad lagu baadhay Maxjarka Caafimaadka Xoolaha ee uu leeyahay Ganacsataha Carbeed Al-Jaabiri oo ay ka hawl-galaan dhakhaatiir ka tirsan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo dalka Masuul uga ah sugidda iyo ilaalinta Caafimaadka xoolaha dalka ka dhoofaya.

Xiis Cabdilaahi Warsame, Yuusuf Cumar, Maxamed Cismaan, maxamuud Xirsi, Xaad Cilmi Carraale oo ka mid ah Ganacsatada xoolahooda ku rarnaayeen labada Markab ee dawladda Sucuudigu soo celisay oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa ku eedeeyey Wasiirka wasaaradda Xannaannada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw-Daahir xil-gudasho uu waxba kaga qaban-kari waayey inuu xalliyo, kulana xisaabtamo Maxjarka Al-Jaabiri sababta loo soo celiyey xoolaha ay siiyeen shahaadada caafimaad.

Ganacsatada xoolahan iska leh, ayaa waxyaabo kala duwan ka aamisan soo-celinta Markabka xolahooda sidey, ,waxaanay qaarkood eedaynayaan Maamulka Macjarka Aljaabiri oo ay leeyihiin Isaga ayaa ka masuul ah soo celinta xoolaha maadaama ay u xil saarnaayeen Caafimaadinta iyo Daweynta xoolaha intaanay ka dhoofin Dekedda Berbera, halka qaarkoodna ay aaminsan in Wasaaradda Xanaanada xoolaha Somaliland iyo Dhakhaatiirta ku sugan Berbera ee wasaaradaasii ay gabeen masuuliyaddoodii ogaanshaha caafimaadka xoolaha.

Xiis Cabdilaahi Warsame oo ku hadlayey Afka ganacsatada xoolahooda laga soo celiyey, ayaa sheegay in muddo bil gudaheed ay dawladda Sucuudigu soo celisay laba Markab oo siday dhowr kun oo Neef oo Geel ah, kuwaas oo caafimaadkooda lagu baadhay maxjarka Al-Jaabiri ee Dekedda Berbera.

“Geela Waxa laga helay Xannuunka Buruseelaha, heshiiska marka hore la kala saxeexday Sucuudiga wuxuu ahaa haddii laga helo xannuunkan (Buruseelaha) wixii ka badan boqolkii laba in la soo celiyo, imikana boqolkii saddex wax ka badan baa laga helay, immikana markabkii wuu soo socdaa, halkanna waa lagu soo wargeliyey, oo diyaarbaa loo yahay, maxjarkiina waa u diyaar,” sidaa waxa yidhi Xiis Cabdilaahi oo sheegay in Markabkan oo lagu magacaabo IIMAAN uu wakhtigan jidka ku soo jiro, lana filayo inuu magaalada Berbera soo gaadho maalmaha soo socda.

Ganacsatadani waxa ay wasiirka Wasaaradda Xannaanada xoolaha Somaliland ku dhaliileen xil-gudasho la’aan uu ku dayacay masuuliyaddii qaran ee uu umadda u hayey, iyaga oo ku dooday inuu wasiirku ka hawl-geli waayey sababtii keentay in dib loo soo celiyo Markab lagu magacaabo Taiba oo bishan horaanteeda laga soo celiyey dalka Sucuudi Carabiya, isla markaana aanu ganacsatada ka qancin sababaha kallifay in Xoolahooda la soo celiyo.

Ganacsatade Xiis oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Markabkii hore ee la soo celiyey, wasiirku waxa uu iska hor keenay ganacsatadii, wax uu u qabtayna ma jirto, Markii shilkani dhacay wasiirku wuu yimi halkan (Berbera), haba yaraatee muu qaadin wax tallaabo ah uu ka qabtay Maxjarka iyo sababta ay lagu soo celiyey waxa ay tahay, halkii uu shaqadiisa ka qabsan lahaa, ayuu annagii iska kaaya horkeenay, annagiina dagaal baa naga dhex bilaabmay, welina arrintii iyada oo nagu taagan, ayaa kan maantana la soo celiyey.”

“Wuxuu ka qabto iska daa iyo in Maxjarka naga bixiyo kharashkii aanu xaqa u lahayne, wasiirku wuxuu ka gutay waajibkii ka saarnaa wasaarad ahaan iyo Wasiir ahaane, wuxuu gabay inuu wax ka qabto dhibta taagan. Waxaabu u muuqdaa inuuku dhex milmay Maxjarka ninkaa ajaanibka ahi leeyahay, markuu halkan yimaaddana danihiisa markuu ka dhammaysto wuu iska noqdaa,” ayuu yidhi.

Ganacsade Xiis waxa uu ku baaqay in si deg-deg ah tallaabo tabashadooda wax lagaga qabanayo lagu xalliyo dhibaatooyin uu sheegay inay regaadiyeen hawlihii ganacsi ee xoolaha, kuwaas oo masuuliyaddeeda uu ku eedeeyey Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo uu ku eedeyey dayac-day ku-ilaalinta Maxjarrada dalka hubinta caafimaadka xoolaha ka hor inta aanay dalka ka  bixin.

In kasta oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir si aanu wax uga weydiinno eedaymaha xil-gudasho la’aaneed ee wasaaraddiisa loo jeediyey, nooma suurto-galin inaanu helno, ka dib markii naga qaban-waayey telefonkiisa gacanta, haseyeeshee waxa noo suurto-gashay inaanu bedeelkiisa khadka telefonka ku helno Isu-duwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee gobolka Saaxil ahna Masuulka ugu sarreeya hawl-wadeennada Soomaalida ah ee ka hawl-gala Maxjarka Al-Jaabir Dr Cali Maxamuud Guuleed (Cali-qudhaanjo).

Dr Cali Maxamuud oo aanu weydiinnay waxa ay wasaarad ahaan kala socdaan Markabka IIMAAN ee dawladda Sucuudigu dib u soo celisay Xoolihii Saarnaa waxa uu qiray jiritaanka warka la xidhiidha markabka la soo celiyey, haseyeeshee waxa uu ka cudur-daartay inuu faahfaahin ka bixiyo sababta rasmiga ah ee loo soo celiyey xoolahaas maadaama markii hore caafimaadkooda lagu sii baadhay maxjarka Al-Jaabiri oo wasaaradda Xannaanada xooluhu ku khasabtay ganacsatada xoolaha ka dhoofisa dalka badankooda in caafimaadka xoolhaa lagu sii baadho Caafimaadkooda.

Isu-duwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee gobolka Saaxil waxa uu ka meeraystay inuu jawaab cad ka bixiyey mas’uuliyadda cidda qaadaysa khasaaraha soo gaadhay ganacsatada xoolahooda dib loo soo celiyey maadama wasaaradda xannaanada Xooluhu qaranka uga masuul tahay ilaalinta caafimaadka xoolaha, waxaanu ku dooday in jawaab-bixinta arrintaasi ay la xidhiidho arrimo siyaasadeed oo aanu awoodin inuu wax jawaab ah ka bixiyo.

Dr Cali waxa uu sheegay in Xoolaha Maxjarka soo mara aan dhammaantood la baadhin caafimaadkooda caafimaadkooda sababo la xidhiidha tiradooda oo badan awgeed, balse baadhitaanka lagu sameeyo tiro ka mid ah sidaas lagu xaqiijiyo caafimaad-qabka Xoolaha dalka laga dhoofinayo, taasina ay sababto inay wasaaradda Caafimaadka ee dalka Sucuudiga ay soo celiso Xoolaha haddii ay baadhitaan ku samayso Xoolo qaarkood oo markii hore aan baadhitaanka caafimaad ee Maxjarka soo marin.

“Cudurka Buruseelaha Sucuudigu wuxuu oggol yahay boqolkii laba haddii laga helo lama soo celiyo. Marka laba kun oo Geel ahi ay joogaan, dhakhtarku waxa uu dhiigga ka qaadayaa boqol neef. Markii la baadhayna, labadii Kun ee Neef waxa laga helay Afartan kaliya, iyagana waxa laga yaabaa inay sii galeen Khanka Markabka oo sidaas ay ku heleen,” ayuu yidhi Dr Cali.

Mar aanu weydiinnay cidda ka masuulka ah Khasaaraha soo gaadhay ganacsatada Xoolahooda caafimaad-darrada loogu celiyey maadama ay siteen shahaado-caafimaad oo laga siiyey Maxjar uu leeyahay Nin Carbeed oo si weyn looga  Aqoonsan yahay Dalka Sucuudiga isla markaana ay ka hawl-galaan dhakhaatiir ka tirsan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Qaranka u qaabilsan ilaalinta Caafimaadka Xoolaha, waxa uu Dr Cali ku dooday in wasaaraddoodu ay qaabilsan tahay oo kaliya ku-ilaalinta Maxjarka sidii uu nidaam go’an oo dhinaca caafimaadka xoolaha ah ugu shaqayn lahaa, balse waxa uu meesha ka saaray inay leeyihiin masuuliyadda hubinta caafimaadka xoolaha ee dalka laga dhoofinayo.

Waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dhakhaatiirta Xoolaha ee Maxjarka joogaa waa kuwii Soomaalida ahaa ee waligoodba baadhi jiray Caafimaadka Xoolaha, kuwii wasaaradda iyo kuwo kalebana way isugujiraan, waana shaqaale u shaqeeya maxjarka. Maxjarku shaqada caafimaadinta Xoolaha isagaa u xil-saaran, wasaaradduna waxa ay u xil-saaran tahay inay kaantaroosho inuu nidaam go’an ku shaqeeyo Maxjarkaasi oo uu hubiyo caafimaadka xoolaha,”sidaas ayuu yidhi Dr Isu-duwaha Wasaaradda Xannaanda Xoolaha ee gobolka Saaxil.

Dr Cali oo aanu weydiinnay waxa ay tahay masuuliyadda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha haddiiba Maxjarka laga qaado Xoolo aan caafimaad qabin iyo cidda qaadaysa mas’uuliyadda khasaaraha soo gaadhay ganacsatada xoolahooda la soo celiyey, waxa uu ku gaabsaday inay arrintaasi tahay mid siyaasadeed oo jawaabteeda ay bixin karaan oo kaliya siyaasiyiinta Xukuumadda ee Wasiirka Xannaanada Xooluhu u horreeyo.

Dhica kale, xoog-satada ku shaqaysata ka ganacsiga Xoolaha, ayaa aamisan inay dhowr sababood oo jira awgeed ay hortaagan yihiin xal loo helo caqabadaha ku gedaaman dhoofka xoolaha, kuwaas oo ah jarran-jarrooyin taxan oo neefka Xoolaha ah aan ku simi karin inuu caafimaad-qab kaga baxo dekedda Berbera ama uu ku gaadho dalalka Jasiirradda Carabta oo loo dhoofiyo.

Maxamed Cabdilaahi oo ka mid ah xoog-satada ku shaqaysata Xoolaha la dhoofinayo, ayaa sharraxay dhibaatooyinkan is-xambaarsan, waxaan hadalladiisa ka mid ahaa, “Xooluhu markay soo gaadhaan Berbera oo ah Goobta aynu ka  Rarno dhib badan ayay la kulmaan oo ay ka mid tahay Waddo-xumo ka haysata Marka maxjarka laga soo dareeriyo  sida Laami ay ku soo beegmaan oo ka gudbintooda rafaad ay kala kulmaan shaqaalaha raaciga ah, gaadiidka oo kala xidhma inta xooluhu socdaan mar marna dhaawacba u gaysta xoolaha  waddada maraya. Intaa waxa u dheer marka ay dekedda galaan markabka la saarayo oo inta badan lagu Raro xoolo ka badan intii qaadkiisu ahaa, Maraakiibta oo ah Qaar daalay oo marmar ka qaarkood ay  xumaadaan Hawaayadaha hawada ay ka Helaan Xooluhu maadaama jawigu Kulul yahay,” ayuu yidhi Maxamed

“Waxa kale oo ka mid ah Maraakiibta Qaarkood o asalkoodu ahaa Kaargo ama kuwa xamuulka qaada o o laga dhigay Xoolo-qaad oo wax badan oo xooluhu u baahnaayeen aan laga helayn sida sistemka biyaha iyo calafsiintaba, intaaba waxa kasii daran maraakiibtan oo aan ku jirin Ikshoorent Caalamiya oo haduu dego ama Xooluhu ku madhaan inta uu sii socdo ma jirto meel Ganacsatadu u raacanayaan Xoolahoodii,” ayuu yidhi Maxamed

Si kasaba ha ahaatee, Dhawaaqyada ka soo yeedhaya ganacsatada Xoolaha Dhoofisa iyo dhaliilaha is-barkan ee Wasaaradda Xannanada Xoolaha loo jeediyey ee aanay masuuliyiintii u sarreeya ilaa immika wax jawaab ah ka bixin, ayaa dhabar-jab ku noqon kara kalsoonida lagu qabi karo Maxjarrada dalka iyo caafimaadka Xoolaheeda oo ah ah Lafdhabarta Dhaqaale ee ugu wayn Somaliland, Lacagta adagina kasoo gasho, arrintaas oo haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban saamayn taban ku keeni karta dhaq-dhaqaaqa Ganacsi ee Xoolaha dalka iyo dhoofka dekedda Berbera oo wakhtigan loollan xooggan oo dhinaca ganacsiga ahi kaga socda Dekedaha waddamada Jaarka ah oo laga hirgeliyey Maxjaro adeeggooda caafimaad la tayeeyay halka qaarkoodna ay wakhtigan samaysanayaan dekedo dheeraad ah oo ka qayb-qaata loollanka dhinaca dhaqaalaha ee mandaqadda ka jira.

XIGASHO: Wargeyska Himilo