“Hawlaha Ugu Muhiimsan Ee Wasaaraddu Wado Waxa Ka Mid Ah Sidii Suuq Dibaddeed Loogu Heli Lahaa Kalluunka”

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaraddakalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawllanayd hirgelinta mashaariic kala duwan oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo xeebaha dalkeena.Agaasime

Sannadkan kala badhka marayay ayay wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badduhu fulisay hawllo waxqabad oo kala duwan, kuwaasoo ay ka mid yihiin wacyigelin, tabobaro iyo kulamo hawleed oo lagu fao-guray hanaanka ka faa’iidaysiga khayraadka badda ee ku duugan xeebaha dalkeena.

Haddaba qormadeena todobaadkan ee Khayraadka Badda ayaynu kusoo qaadan doonaa xog-waran dhinacyo badan taabanaya oo aanu la yeelanay agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey), waxaanu hadalkiisa ku bilaabay. “Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka baddu baryahan waxay waday diiwaangelinta kalluumaysatada oo laga qaban doono dhamaan deegaannada xeebaha ee hawlaha kalluumaysigu ka socdaan.

Gobolka Saaxil waa laga qabtay diiwaangelintaas, waanay dhamaatay, arrintaas diiwaangelintana waxa loogu talo-galay inay gobollada oo dhan ka hirgesho, laba todobaad ka hor waxa lasoo qabtay diiwaangelintii gobolka Saaxil ilaa shan boqol iyo dheeraad kalluumaysato ah ayaa lasoo diiwaangeliyay. Wejiga labaad waxa lagu qabanayaa hadda oo hawshu ka socotaa galbeedka Berbera oo laga bilaabo Ceel-sheekh ilaa Lawya-caddo, diiwaagelintaasna hawl-wadeennadii fulinayay way wadaan, iyadana waxalagu soo dhamaynayaa muddo laba todobaad ah, hawl-wadeennadaasna waxa hogaaminaya agaasimaha waaxda qorsheynta wasaaradda kalluumaysiga, waxa weheliya khabiir ka socda hay’adda FOA. Hawshaasi markay dhamaato waxa kale oo noo qorsheysan waqtiga kulayluhu baxo, wixii bariga Berbera ka xiga ee xeeb ah ilaa Ceelaayo in laga qabto diiwaangelinta. Waxa kale oo ku xigi doonta hawl kale oo ah diiwaangelinta doonyaha. Arrintan diiwaangelinta kalluumaysatadu waahawl casri ah, waana in xogta kalluumaysatada la  galiyo kombuyuutarka oo macluumaadkooda oo dhamaystiran laga helo wasaaradda, ta labaadna waxa weeye in kaadhadh aqoonsi la siiyo, ta saddexaadna waxa weeye doonyaha laftooda iyagana inta la diiwaangeliyo ayaa waxa la siinayaa lambar weyn oo muuqanaya oo laga arki karo meel durugsan, ujeedaduna waxa weeye in la sugo xeebaha Somaliland kalluumaysigooda, wixii aan kalluumaysatada dalka ahayn ama maraakiib loo fasaxay oo la ogyahay aan ahayn ee sharci-darro ah in la ogaado iyo in nabadgelyada la sugo aageena wixii budhcad-baddeed ah ama la xidhiidha. Sidaa darteed ayay diiwaangelinta kalluumaysatada iyo doonyuhuba u yihiin hawl muhiim ah.

Agaasime Cabdi-gurey ayaa faahfaahinaya hawlihii shaqo ee dhawaan wasaaraddoodu ka qabatay dhinaca xeebaha, kuwa imika socda iyo mustaqbalka dhaw waxay qaban doonaan ka wasaarad ahaan,  isagoo arrimahaas ka hadlaya agaasimuhuna wuxuu yidhi. “Waxa kale oo jira hawlo badan oo kale oo wasaarad ahaan noo yaalla, dhawaan waxaanu qabanay aqoon is-weydaarsi dhamaan shaqaalaha noo jooga xeebaha la barayay ilaalinta iyo dhawrista tayada, hadda waxa soo badanaya shirkado keenay qaboojiyeyaal iyo baraf-dhaliyeyaal Berbera imika ugu yaraan saddex baa ka jira, kuwa kalena way soo socdaan, markaa waxa laga yaabaa inuu siyaado kalluunka lasoo qabanayaa, markaa wixii imika ka dambeeya waa in la helaa kalluun tayadiisu sareyso oo la iib-gayn karo, sidaa darteed waa inaanu wacyigelin badan samaynaa, waa in kalluumaysatada iyo shirkadaha la tabobaraa oo macluumaadkan casriga ah ee sida casriga ah ee caalamka kalluunka loo kala iibsado ee loo diyaariyo ee tayadiisa loo hagaajiyo la baraa dadka. Sidoo kale waxa noogu in suuqyada kalluunka ee dalka gudihiisa la balaadhiyo oo magaalooyinka oodhan laga sameeyo suuqyo kalluun oo dadkana lagu wacyigeliyo faa’iidooyinka uu leeyahay kalluunku iyo waxyaabaha uu hilibka kale kaga fiican yahay, sida caafimaadka, dhismaha jidhka, maskaxda.

Hawsha kale ee muhiimka ah ee haddaba socota ee la wadaa waxa weeye kalluunka sidii loogu heli lahaa suuq dibaddeed oo loo iib-geeyo, wasiirka ayaa dhawaan ka hadlay oo sheegay in Itoobiya la doonayo in jaadka loogu bedelo kalluunka, dakhliga jaadka inaga soo galena waxa ka badnaan doonta dakhliga dhoofinta kalluunka inooga soo hoyan doonta, hore waxaynu kalluunkeena ugu iib-gayn jirnay Yemen, imikana dagaal baa ka socda halkaas, sidaa darteed waa in la helaa suuq kale, taasna waxaan isleeyahay kalluunka iyo milixda oo Itoobiya loo geeyo waxa ku jirta fursad weyn, inagaa hore uga gaabinay ee Itoobiya ma diidana kalluunkeena iyo milixdaba, waqtiyo hore oo la isu yimi oo laga wada-hadlayba way jiraan,laakiin inaga ayaan diyaar ahayn,haddii imika la yidhaahdo boqol tan oo kalluun ah ayaanu doonaynaa inaga xageena weli diyaar kama aha, markaa waxa laga yaabaa marka suuqa lasoo helo in tayadiina la diyaarin karo, laakiin imika waxaad moodaa inaynaan garan karin ka ganacsigii iyo diiaayrintii oo shuruudihii loo dhigay ee caalamiga ahaa aynaan buuxin karin, waxa jira wax la yidhaahdo habraac kafaalo qaadaya inuu noqdo kalluun caafimaad qaba oo tayadiisu fiican tahay, laakiin waxa lagu rajo weyn haddii imikaba suuq la helo in lagu dhaqaaqi karo.

Waxaan ugu baaqayaa dadka reer Somaliland, gaar ahaan ganacsatada in loo soo jeesto khayraadka badda oo la maal-geshado oo aynu si habsami ah uga faa’iidaysano xeebaha iyo khayraadka baddaba horumarintooda, meelo badan ayay magaalooyin casri ahi ka samaysmi karaan haddii loo soo jeesto oo wershadana ka dhismi karaan.”

LA SOCO QAYBO KALE OO KA MID AH XOG-WARANKAN.