Haweenka Sucuudiga oo markii u horeysay loo oggolaaday Codbixinta iyo Murashaxnimada Doorashooyinka dalkaas

2014-10-09-SAUDIDRIVE2

Riyaadh(SLpost)- Haweenka dalka Sucuudiga, ayaa isu-diiwaangeliya codbixinta doorashooyinka oo ay ka qayb-qaadanayaan markii u horeysa taariikhda waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo aan haweenka loo oggolaan jirin inay wax doortaan.

Tallaabada loogu oggolaaday haweenka Sucuudiga inay helaan xuquuqda ay u leeyihiin in la dooran karo, waxna dooran karaan, ayaa ka dambaysay ololeyaal ay xubno ka tirsan ururrada haweenka dalkaasi ka galeen sidii haweenku u heli lahaayeen xuquuqdaas, waxaanay tani suurta-galinaysay inay markii u horeysay ka qayb-qaataan doorashooyinka Dowladaha Hoose oo la filayo inay dalkaas ka qabsoomaan dabayaaqada sannadkan, iyadoo loo oggolaaday inay wax doortaan, isuna soo sharraxaan kuraasida dowladaha Hoose.

Sida uu baahiyey Wargeyska Saudi Gazette, laba dumar ah oo lagu kala magacaabo Jamal Al-Saadi iyo Safinaz Abu Al-Shamat, ayaa noqday labadii ugu horreeyey haweenka isu-diiwaangeliyey inay noqdaan codbixiyeyaasha Haweenka ah ee doorashada ka qayb-galaya, iyagoo lagu bilaabay laba xafiis oo laga furay magaalooyinka barakaysan ee Makkah iyo Maddina maalintii Axadda ee todobaadkan.

Diiwaangelinta haweenka Codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka Sucuudiga oo muddo 21 maalmood ah soconaysa, ayaa kooxaha u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Haweenka dalkaasi ku tilmaameen horumar la gaadhay, balse aanay ahayn in Haween-weynaha Sucuudigu heleen xuquuqdii ka maqnayd ilaa ay helaan xuquuqo ay kaal siman yihiin ragga Boqortooyada Sucuudiga.

Boqorkii hore ee Sucuudiga Boqor Cabdallah, ayaa sannadkii 2011-kii shaaca ka qaaday in haweenka dalkiisa loo oggolaan doono inay ka qayb-qaataan codbixinta iyo murashaxnimada doorashooyinka goleyaasha deegaanka, balse markii dambe waxa uu ka noqday go’aankaas isagoo sheegay inay dumarka u oggol yihiin inta shareecada Islaamku u fasaxday.

In kasta oo haweenka Sucuudiga loo oggolaaday inay doorashooyinka ka qayb-qaataan, haddana waxa aan loo oggolayn inay kaxaystaan baabuurta, taas oo la tilmaamay inay culays dheeraad ah ku tahay haweenka murashaxiinta ah iyo kuwa ka qayb-qaadanaya codbixinta doorashooyinka Dowladaha Hoose oo ah doorashooyinka kaliya ee Boqortooyada Sucuudiga ka dhaca afartii sannaba hal mar.

Xigasho Himilo