Haweenka iyo ilaalinta Muuqaalka/bilicda Wejiyadooda – W/Q: Ceelaabe

Midabka Wejiga iyo guud ahaan Sida ay u eeg tahay oogada maqaarka qofku ayaa dad badan u leh dareen qiimeyn.Erayada cunsuriyiin ama Dad xag Jir ku ah asaaskoodii hore isla markaasina Neceb kuwa aan la afka ama Midabka aheyn Ayeynu siyaabo kala duwan uga Maqalnaa Saxaafadaha caalamka.Dad badan oo ku Jira Ciyaaraha ama Warshada Maaweelada Aduunka Ayaa marar badan la kulma Niyad jab la xidhiidha in lagu Quudhsado sida Wejigiisu u eeg yahay ama Midabkiisa Madow ee Dhaladka ah.Intaasi uun maaha waxa kale oo Jirta in Wadamada Qaarkood marka la arko sida aad u eeg tahay laguu aqoonsanaayo qof Afrika ka Yimi oo Madow ama Wadanka ku ah Muhaajiriin soo gashey oo ay tahay in laga Joojiyo Dadka aan u Dhalanin.Waxa loogu Yeedho Racism (Cunsuriyad) ayaa sannad kasta la Maqlaa.Kuwo ka soo horjeeda,kuwo taageersan iyo kuwo ay danahooda Shaqo wax u dhimeysaba Ciyaartoyga Madow ee Yurub ka ciyaara Qaarkood Ayey Taageerayaasha Cadaanka ahi ku Caayaan Midabkiisa ilaahey siiyey.waxa ay u heystaan qof iyo Midab aaney aheyn in la daawado ama la eego.sidaasi oo ay tahay haddana caalamka Maaweelada sida Heesaha,Aflaamta iyo Ciyaaraha kale intaba waxa ugu badan oo kaalin muuqata kaga Jiraa waa Dadyow Madow oo ka soo Jeeda Qaarada Africa.

80% Dadka Yurub ku sii Qulqulaya ama Muhaajiriinta Tahriibayaasha ah loogu Yeedhaa waa kuwo ka socdaalaya kana ambabaxaya Wadamo u badan Africa oo ah meel inta badan dad madow ahi ku noolyihiin.Niyad Jabka ay kala kulmeen Markii Yurub la tagey dad badan waxa kaga sii daran sida aan loo ogoleyn Midabkooda iyo Muuqaalkoodaba.Hablo badan iyo Dhalinyar badan oo Madow Ayaa Jeclaan lahaa in mar qudha Midab cadaan ah lagu Buufiyo si ay ugu eekaadaan dadka intiisa kale oo ay rumeysan yihiin in ay ka qurux badan yihiin ama laga takoorayo.Waxaana Caalamka soo Marey Dadyow Midabkii Madowga ahaa ee ay ku faani lahaayeen iska badalay oo Midab cad ka Jeclaadey si ay ula Mid noqdaan kuwa badan ee ay Jecelyihiin ama ku sii Jeclaanaya marka aad la midab noqoto.Mar kale Ayaad la kulmeysaa Dadyow la Yidhi waxa ay rabaan in ay Midabkooda Madow iska qaadaan oo ay Cadaan ama Casaan Sameystaan.

Qofka oo dhan Ayaa Wejiga laga eegaa,lagu Jecladaa ama lagaga qancaa.Quruxda qofkaasi ku duugani waa Mid Wejigiisa ka muuqata,Markaad wejiga ku qanacdo Ayaad Jidhka intiisa kalena eegaysaa.Sidaasa dadka oo dhan ama gaar ahaan Haweenku ay u yihiin kuwo Wejiga ilaaliya,Nadaafada ugu badan ee qofkuna meelaha ay ku socoto waxa ka mid ah Wejigeena.Nabar kasta iyo Dhaawac kasta oo wejigeena soo gaadha Ayaa ina sii wiiqaya marka laga hadlaayo xaga quruxda ama xulashada sida dadka qaarkii ay qabaan,Markasta oo aan ilaalino ama heerka muuqaalka quruxda wejigeena aan kor u qaadnana waxa aynu ognahay in ay Jiraan boqolaal ka Helaaya ama Jecel in ay Daawadaan Muuqaalka wejiga soo Jiitey.

Hablaha Ayaa ka mid ah kuwo ugu ilaalinta badan wejiga iyo Dhabanka.kuwa inta badan ku Mashquulsan,Wanaajintiisa iyo qurxintiisa intaba.Inantu in aaney ku bixin in ay Dabeecad,Akhlaaqad iyo Diin wanaagsanaato Ayey ka Fekirtaa sida wejigeedu u eeg yahay ama isku badalaayo.Dhaqaale baddan oo la xidhiidha Bootaamo kala duwan iyo Noocyada Nafaqooyin kala duwan oo Wejiga loogu talo galay Ayaa Hadh iyo Habeen laga iibsanayaa Dukaamada kala  Duwan ee Uduga iyo saliidaha laga gato.Qofka marka aad leedahay waan ka helay,waxa aad eegtay Halka indhihiisu ku yaaliin oo ah Wejiiga,Indhahaaga Ayaa eegay ,indhihiisa oo ku Yaala wejigiisa,Dabcan in aan ku Qanacno muuqaalka ama Midabka Wejiga Ayaa qeyb weyn ka ah Xulashada Lamaanaha marka laga hadlaayo Dhinaca Haweenka.

Dhaqaalaha Maanta ku baxa isqurxinta ama Cosmetic Products Ayaa soo badanaya,Inan ama Gabadh kasta oo Madow ama Cad Ayaa ku Mashquulsan sidii ay Markasta  u heli laheyd Daawo Wejigeeda siisa qurux iyo Dhalaal wax soo Jiita,Hadh iyo Habeen waxa lagu mashquul yahay wax la marinaayo iyo mid kale oo laga  sii meydhaayo.Shirkadaha soo dhoofiya Bootaamooyinka Wejiga iyo Jidhka Ayaa sameeya xayeysiis Joogto ah oo la xidhiidha Faa,idooyinka ku jira Kiriiimo cusub oo wejiga ah oo ay keeneen.

Madowga Ayaa horta lala dagaalamayaa,Inan kastaa waxa ay Jeclaan laheyd in ay casaan noqoto ama cadaan.Waxaana qaar badan ku beeran Niyad jab iyo Rajo xumo ay ka qaadeen Kalsooni daro ka heysata in aan Midabkooda Madow ragu soo eegeynin,Waxase ka Maqan in Qoraal iyo Qadar Rabaani ah ay amuuraha Aduunku ku socdaan.Wejiga oo Finan Yeesha Ayaa laga cararayaa,Baraha madow ee Wejiga iyo Madowga xad dhaafka ah intaba.Waa daawo kaa biineysa Finanka,Iyo baraha madow muddo yar gudaheed Ayaa u ah Xayeysiiska ugu weyn.Hadaad muddo ka cabaneysey Madow ama Finan kala duwan Maanta Ayaa lagu keenay dawadii kaa cidhib tiri laheyd.

Talooyin la xidhiidha sida loo qurxiyo Wejiga iyo waxyaabaha la mariyo ama sida loo Meydho Ayaa inta badan si joogto ah loogu soo qoraa Baraha lagala socdo wixii la xidhiidha Nolosha iyo Quruxda ama caafimaadka.Daawooyin Kimiko ah oo loo soo saarey in wejiga la marsado Ayaa xanuuun iyo foolxumo hor leh u hor kacey Dhalinyartii hablaha aheyd ee Marsadey.Sidaasa maanta Dad badan oo Madow ka cararaayey ama Baro madow ay Dawadii uga sii qaadeen Foolxumo ama Xanuun Wejiga ka sii diley.

Shirkadaha Sameeya ama soo Dejiya Waxyaabaha la isku qurxiyo gaar ahaan kuwa Wejiga la mariyo oo laga sameeyey Dhirta dabiiciga ah oo aan laheyn wax saameyn taban ah Ayaa dhinaca kale Aduunka maanta ka Hela Dhaqaale baaxad leh,Somaliland adeegsiga Dhirta dabiiciga ah Ayaa laga raadinaya qurux ama ilaalinta Wejiga.Aduunyada Cosmetic Kasta waxa taala Fair and Lovely Cream,Wakhtiga Dhalinyarnimada Rag iyo Dumarba Lacagaha ugu badani waxa ay kaga baxaan Raadinta Qurux dheeraad ah iyo ilaalinta Wejiyadooda si ay u noqdaan kuwo soo Jiidasho u leh Lamaanahooda kale. Natural, Herbal and Fair Face.

 

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com