Haweenay Soomaaliyeed oo si murugo leh uga warrantay Fawaaxish fool-xun oo Wiil Bilaa Dhaqan ahi kula Kacay

Minneapolis (SLpost)- Gabadh Soomaaliyeed oo Dhalinyaro, ayaa si qiiro leh uga warrantay arrin fawaaxish iyo Cadawtinnimo ah oo uu kula kacay Wiil Soomaaliyeed, ka dib markii inta uu daroogo u isticmaalay Sawirro ka qaaday Jidhkeeda oo qaawan, isla markaana Muuqaal Vedio ah ka duubay, ka dibna uu ugu hanjabay haddii aanay oggolaannin in sida uu isagu doono ka yeelo uu baahin doono Muuqaallada uu ka hayo, Taasoo markii ay diidday uu baahiyey, bilaabayna inuu dhalinyarada Suuqyada ka iibiyo.

haweenHaweenaydan Soomaaliyeed, ayaa Waraysi ay bixisay ku sheegtay inay dhibaato ka dhan ah Sharafta, Karaamada, dhawrsanaanta Dhaqanka Suubban iyo Diinta Islaamka ee ay ku barbaartay kula kacay Wiilkaasi, isla markaana ay dhibaato kale oo Nafsaani ahi soo food-saartay oo aanay Gurigooda dibedda uga bixin, tan iyo markii uu Suuqyada Wiilasha iyo cid kastaba ugu qaybiyey Muuqaallada uu ka duubay, ka dib markii sida ay sheegtay uu Sharaab ugu daray nooc ka mid ah Daroogada dadka seexisa.

Waraysiga ay Haweenaydan Soomaaliyeed Bixisay oo Muuqaal ah, isla markaana ay Si muguro iyo naxdin leh ugaga warramayso waxa ku dhacay, siday ugu dhaceen, siday Wiilkaas isu barteen, Marxaladaha ay isla-mareen, waxyaabaha kaga soo noqday Bulshada dhexdeeda, sida ay dadku u dareemeen arrinteeda iyo weliba sida xaaladdeedu hadda tahay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Halkan hoose ee Daawasho Habboon:-

GUJI HALKAN SI AAD U DAAWATO