Haween-weynaha Jaaliyadda Somaliland ee Bariga London Oo Cambaareeyey Xadhigga Fannaaniinta Xiddigaha Geeska, Xukuumaddana baaq culus u diray

WacaneeyLondon (SLpost)- Ururka Haweenka Somaliland ee Bariga magaalada London (Somaliland Assosition Women of East London), ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay Xorriyaddooda u soo celiso Abwaan Xasan Dhuxul (Laab-saalax) oo ah Guddoomiyaha Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska iyo Fannaaniin Kooxdaas ka tirsan oo Salaasadii toddobaadkan lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ka soo laabteen Safar kooban oo  ay ku tageen magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, halkaasoo ay Baasaabboorro Soomaali u doonteen.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Somaliland ee Bariga magaalada London ee dalka Ingiriiska Wacan Muuse Xasan, ayaa War-Saxaafadeed ay Warbaahinta u qaybisay oo ay ku saxeexan yihiin magacyada Xubnaha iyo Guddiga Ururkaas, waxay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin Xadhigga Fannaaniinta Xiddigaha Geeska iyo Guddoomiyohooda oo ay sheegeen inaan loo baahnayn, isla markaana ay tacaddi, cabbudhin iyo meel-ka-dhac u arkaan. Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews.com waxa uu u dhignaa sidan:-

“Annaga oo ah Ururka Haweenka Somaliland ee Bariga Magaalada London ee dalka Ingiriiska (Somaliland Assosition Women of East London),  waxaannu cambaaraynaynaa xadhigga aannu xaq-darrada u aragno ee lagula kacay Guddoomiyaha Fannaaniinta Kooxda Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax) iyo Fannaanadda Caanka ah ee Igraan Jaamac Ismaaciil, kuwaas oo ciidammada ammaanka Somaliland ee Madaarka Cigaal ee Airport ee magaalada Hargeysa ay Xabsiga u taxaabeen, iyaga oo aan wax dembi ah galin, balse ka soo laabtay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo ay Baasaabboorro u doonteen.

Maaddaama oo aanay ahayn Siyaasiyiin ee ay yihiin dad shacab ah oo waliba Fannaaniin ah oo kor u soo qaaday Fanka Soomaalida, gaar ahaan Fanka reer Somaliland, haddii ay u baahdeen inay ku safraan Baasaaboorka Soomaaliya oo ay kaga xidhantay shaqo ay ku tegi lahaayeen waddanka dibeddiisa oo aanay suuragal u ahayn inay ku tagaan Baasaabboorka Somaliland, in loo diido inay Baasaabboor Soomaali doontaan, waxaannu Urur ahaan u aragnaa diidmadaas qalad iyo gef, xadhigga lagula kacayna waxaannu u aragnaa tacaddi iyo mid shuruucda dalkeenna baal-marsan, maaddaama oo ay dadku si caadi ah isu-dhex-maraan, wax siyaasad ahna aanay ku dhex-jirin.

Sidaa daraaddeed, waxaannu Urur ahaan ugu baaqaynaa dawladda Somaliland inay xorriyaddooda si dhakhso ah ugu soo celiso Abwaan Laab-saalax iyo Fannaanadda Igraan Jaamac oo labadooduba ah Muwaaddiniin reer Somaliland ah oo dalka iyo dadkaba magac iyo milgo ku dhex-leh. Waxaannu ugu baaqaynaa Xukuumadda Somaliland inay sii-dayso labada Suugaanyahan ee ay xidhay, cabbudhinta iyo xadhigga xad-gudubka ahna ay Muwaaddiniinteeda ka deyso dawladdu maaddaama oo aanay jirin dembi cad oo ay galeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xukuumaddiisa iyo laamaha kale ee dawladda, waxaannu ugu baaqaynaa inaan la caadaysan xadhigga Muwaaddiniinta ee ay Xukuumaddu ku mamtay ee lagula kacayo Saxaafadda Madaxa-bannaan, Suugaanyahannada iyo dadka kale ee shacabka ah. Tani waxay sii fogeynaysaa hannaanka dimuquraaddiyadda aynu caalamka ka iibinno, xorriyadda iyo madax-bannaanida Warbaahinta, xorriyatul-qawlka iyo dhaq-dhaqaaqa Muwaaddiniinta, iyada oo aannu u aragno in la gaadhay wakhtigii uu caalamku u soo jeesanayay wax-la-qabashada iyo aqoonsiga Somaliland ee aynu 23-ka sano raadinaynay.

Markii ay soo dhawaadeen arrimahaas aqoonsigu ugu muhiimsan yahay ee aad ogeydeen wixii ka dhacay toddobaadkii hore magaalada Sheffield ee Golaheheeda deegaanku aqlabiyadda ku ansixiyey inay aqoonsadeen Somaliland, Baarlamaanka Ingiriiskana laga sugayo inay halkaas ka sii wadaan si ay dawladdooda iyo dawladaha caalamka ee kalana jawaab uga bixiyaan, inaynu inay dawladdeennu la dagaallanto dimuquraaddiyadda iyo madax-bannaanida Saxaafadda waxaannu u aragnaa curdin-dhadhin iyo inaanay dawladdu diyaar u ahayn aqoonsi aynu helno.

Sidaa daraaddeed, waxaannu u soo jeedinaynaa dawladda Somaliland inay siiddayso oo ay xorriyaddooda u soo celiso Abwaan Laab-saalax, Fannaanad Igraan Jaamac iyo Wargeysyada madaxa-bannaan ee Haatuf iyo Hubaal oo labadoodaba ay Xukuumadda Somaliland albaabbada u laabtay oo ay xarumohoodii Ciidammo la wareegeen, waa haddii la doonayo inaan la curdin dhadhin hammiga iyo himilada ay higsanayaan dadka reer Somaliland ee ah inay maruun helaan aqoonsi buuxa oo ay kaga mid noqdaan dawladaha caalamka ee la aqoonsan yahay. ”

Magacyada Xubnaha Ururka ee War-Saxaafadeedkan soo saaray maanta oo Khamiis ah, taariikhduna tahay 10/April,2014, waxay kala yihiin ama u dhignaayeen sidan hoose ku qoran:-

1-       Wacan Muuse Xasan

2-       Farax Axmed Qaalib

3-       Faysa Gacan

4-       Caasha Cabdillaahi

5-       Farduus Xasan

6-       Faadumo Cabdillaa.hi Sugaal

7-       Shamsa Xasan Jaamac

8-       Kiin Cabdi

9-       Sahra Axmed

10-   Sucaad Cabdi

11-   Safiya Faysal

12-   Kiin Muuse

13-   Sahra Maxamed

14-   Hooyo Faakhir

15-   Hooyo Xaliimo Cabdi

16-   Hooyo Faadumo.”

London/Ingiriiska.